Home Wararka Somaliya Wararkii ugu danbeeyay Shirka Dhuusomareeb iyo Qodobada ugu muhiimsan ee looga hadlay

Wararkii ugu danbeeyay Shirka Dhuusomareeb iyo Qodobada ugu muhiimsan ee looga hadlay

0

Kulamo ku saabsan Shirka looga hadlaayo Arrimaha doorashooyinka ayaa wali ka socda Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug, waxaana shirkaasi ku sugan Madaxda Sare dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda.

Shirka oo maanta furmay ayaa looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin xildhibanada gobolada Waqooyi ee lagu dooran doono Muqdisho.

Wararka  ayaa sheegaya in shirka maanta uu diiradda ahaa arrinta Somaliland, iyadoo Madaxda Dowlad Goboleedyada la hadleen Guddoomiye Cabdi Xaashi, laguna wargeliyay arrinta Somaliland inay ka soo heshiiyaan isaga iyo Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka, ayna wixii ay ka soo wada hadlaan u soo gudbiyaan shirka.

Majiro cid ma talaysay gobolada Waqooyi oo maanta ka qeyb gashay Shirka Arrimaha doorashooyinka ee socda Dhuusamareeb.

Maalinta Berri ah ayaa diirada lagu saari doona khilaafka ka dhashay guddiyada doorashooyinka, Gobolka Gedo iyo 13 Senator ee la siiyay gobolka Banaadir.

Ad
Previous articleSawiro:- Shir Hordhac ah oo Saaka dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Maamul Goboleedyada
Next articleWararka laga helayo Shirka Dhuusomareeb oo maanta mar kale dib u bilowday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here