Home Wararka Maanta Ciidankii ku sugnaa Isgooska Siinay oo Xabsiga la dhigay iyo Duqa Muqdisho...

Ciidankii ku sugnaa Isgooska Siinay oo Xabsiga la dhigay iyo Duqa Muqdisho oo ka hadlay

0

Waxaa xalay dagaal dhiig badan ku daatay isgooska Siinay ee magaalada Mudisho ku dhax maray ciidamo kawada tirsan dowladda Soomaaliya, gaar ahaan ciidamo ku sugnaa koontarool halkaasi yaalay iyo ciidamo la socday guddoomiyaha degmada Yaqshiid.

Dagaalka waxaa ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad shacab ah iyo ciidamadii dagaalamay, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay guddoomiyihii degmada Yaqshiid.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo tagay isgooska Siinay lana hadlay warbaahinta ayaa si kulul u cambaareeyay dagaalka dhaliyay khasaaraha ee caasimadda ka dhacay.

Yuusuf Madaale ayaana tacsi u diray ehelada dadkii shacabka ahaa iyo ciidankii ku geeriyooday dagaalka, waxa uuna sheegay in waxa dhacay ahaayeen wax aad looga xumaado , isagoo xusay in ciidankii amniga shacabka sugi lahaa iyagii dadka dileen.

Duqa Muqdisho ayaana cadeeyay in xabsiga lagu guray dhammaan ciidankii ku sugnaa isgooska Siinay oo isugu jiray booliis iyo nabad sugid, waxa uuna sheegay in ciidankan loo gudbiyay maxkamadda ciidamada lana marsiinayo ciqaabta dambiga ay galeen.

Waxa uu cadeeyay guddoomiye Madaale in aysan marnaba aqbali karin in ciidankii loogu tala galay ilaalinta amniga shacabka in iyagii rasaas micno darro ah furaan ayna dilaan shacabkii ay amnigooda ilaalin lahaayeen.

Dagaalkii xalay ka dhacay isgooska Siinay ayaana uga sii daray amni xumo kusoo korortay magaalada Muqdisho, waana markii labaad ee halkaasi ku dagaalamaan ciidamo kawada tirsan dowladda Soomaaliya.

Ad
Previous articleMuran ka dhashay aayad Qur’aan ah oo guddoomiyaha baarlamaanka Urdun ka hor aqriyey shirkii baarlamaanada Carabta
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Qarax Saakay Ka dhacay Suuqa Bakaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here