Home Wararka Maanta Dowlada Cusub ee Soomliya oo Markii ugu Horaysay Shaacisay in Ciidamada ku...

Dowlada Cusub ee Soomliya oo Markii ugu Horaysay Shaacisay in Ciidamada ku maqan eriteeriya aysan Dagaal ka qaybgalin

0

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa beenisay warar horey warbaahinta qaar u baahiyeen oo sheegayay in ciidankii tababarka loogu qaaday dalka Eritrea ay ka qeyb galeen dagaal ka dhacay Gobolka Tigrey ee dalka Itoobiya.

Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya Cabdikariim Cali Kaar oo maanta Warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa beeniyay jiritaanka in ciidamo Soomaaliyeed ka qeyb galeen dagaalka ka dhacay Gobolka Tigrey.

“ Waa been in ciidamada Soomaaliya ee Eriteriya tababarka loogu qaaday ay ka qayb galeen dagaaladii Gobolka Tigray wayna badqabaan waxayna ku soo laabanayaan dalkooda” ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada.

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sidoo kale warar soo baxayay oo sheegayay in ciidamada Eritrea ku xayiran loo heesto lacag, waxa uuna warkaasi ku tilmaamay mid waxbo kama jiraan.

Ciidanka Tababarka loogu qaaday dalka Eritrea ayaa horey loo sheegay in ay ka qeyb galeen dagaalkii ka socday Waqooyiga Itoobiya, waxaana warkaasi dadkii faafiyay kamid ah masuuliyiin hadda xilal ka haya dowladda.

Ad
Previous articleGuddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay danjiraha Dowladda Ingriiska u qaabilsan Soomaaliya marwo Kate Foster.(Sawirro)
Next articleTurkiga oo samaystay hub casri ah oo uu Jarmalka horay ugu diiday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here