Home Wararka Maanta Maxaabiis Badan oo Xabsiga Dhexe laga sii Daayay

Maxaabiis Badan oo Xabsiga Dhexe laga sii Daayay

0

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa xabsiyo ku yaalla magaalada Muqdisho ka sii daayay 116 Maxbuus.

Maxaabiista lasii daayay oo ku xernaa Xabsiga Dhexe ee Xamar iyo Xabsiga MBCC ee Ex-Control Afgooye ayaa lagu sii daayay cafis madaxweyne, munaasabadda bisha barakeysan ee Ramadaan.

Maxaabiistan lagu sii daayay cafiska madaxweyne ayaa u xirnaa dambiyo kala duwan oo fudud, halka qaarkoodna la sheegay inay dhameysteen inta badan xukunadooda.

Xeer Ilaaliye ku-xigeenka Farxaan Xuseen Maxamed oo fagaare kula hadlay maxaabiista la sii daayay ayaa kula dardaarmay iney ka faa’iideystaan fursada la siiyay, isagoona u mahad-celiyay madaxweyne Dr Xasan Sheekh Maxamuud.

“Waxaan idin sheegeynaa in cafiska aad ku baxdeen uu idin fidiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo munaasabadda bisha Barakeysan awgeed, qof walba waxaa laga rabaa in uusan u laaban waxii loo soo xiray” ayuu yiri Xeer Ilaaliye ku-xigeenka Farxaan Xuseen.

Sidoo kale waxa uu sheegay in maxaabiistan xabsiyada ay ku jireen ku heleen adeegyo cafimaad oo bilaash ah, waxbarasho iyo goobo kale oo lagu ciyaaro.

Maxaabiista la sii daayay ee fursada cafiska madaxweyne dib ugu helay xoriyadooda ayaa ahaa kuwa u badan dhallinyaro aad u da’yar oo badanaa ku eedeysnaa dambiyo fudud.
Ad
Previous articleShiikh Shariif oo Hogaaminaayo koox Xildhibaano ah oo Garowe Gaaray
Next articleXasan Shiikh oo Wacad ku Maray in Dastuurka la Ansixin Doono Kuwa Qaylinaaya aan loo joojin Doonin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here