Home Wararka Maanta ATMIS oo Wax ka Sheegatay Guulihii laga Gaaray Hiiraan iyo Galgaduud Alshaabna...

ATMIS oo Wax ka Sheegatay Guulihii laga Gaaray Hiiraan iyo Galgaduud Alshaabna Looga Adkaaday

0

War qoraal ah oo ka soo baxay howlgalka ATMIS ee Ururka Midowga Afrika aya awaxaa looga hadlay howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socdo Hiiraan iyo Galgaduud ee hoostaga HirShabelle iyo Galmudug.

ATMIS ayaa shaaca ka qaaday inay qayb ka tahay howlgalladaasi, isla-markaana ay ciidamadeed wax ka qabteen deegaannada Aboorey, Yasooman iyo Booco ee gobolka Hiiraan iyo deegaanka Sini-dhaqo ee gobolka Galgaduud, kuwaas oo laga saaray Shabaab.

Howlgalka ATMIS ayaa marnaba qoraalkan kuma xusin kaalinta shacabka, gaar ahaan maleeshiyaadka Macawiisleyda ee horkacaya kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab, waxayna qoraalkooda ay hoos ugu dhigeen doorka muuqda ee dadka deegaanka.

Sidoo kale ATMIS ayaa sheegtay inay sii wadi doonaan howlgallada socdo, ayaga oo kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, sida ay hadalka u dhigeen.

Sheegashada ATMIS ee ku aadan inay qayb ka tahay howlgallada Hiiraan iyo Galgaduud ayaa ah mid aan caddeyn, ayada oo sawirrada iyo muuqaallada laga helay jiidda hore ee dagaalka kaliya lagu arkayey ciidamada dowladda iyo maleeshiyaadka Macawiisleyda.

Ad
Previous articleCiidamada Macawislayda Galmudug oo Raashin La Gaarsiiiyay(Sawiro)
Next articleKulan lagu Taageerayay Kacdoonka Looga Saaraayo Alshabaab Galmudug oo Gaalkacyo Lagu Qabtay(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here