Home Wararka Maanta Beesha Darood oo Aan Wax Wasiir ah ku lahayn Xukumada Soomaaliya iyo...

Beesha Darood oo Aan Wax Wasiir ah ku lahayn Xukumada Soomaaliya iyo Xadan Shiikh oo loogu Baaqay inuu soo Magacaabo

0

Xildhibaan Cabdullaahi Kulane Jiis oo maanta banaanka xarunta golaha shacabka warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in beesha Daarood aysan wax metelaad ah ku laheyn xukuumadda, isagoo farriin u diray Madaxweyne Xasan Sheekh.

Kulankii maanta ee golaha shacabka ayaa lagu dhaariyey labo wasiir oo maalin ka hor uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Xamza, wuxuuna xildhibaan Kulane su’aal ka keenay sababta loo magacaabi la’yahay boosaska banaan ee wasiirradii meteli lahaa beelaha Daarood.

Wuxuu sheegay in xukuumaddu ay xaq u leedahay goorta ay magacaabeyso wasiirada iyo cidda ay u magacaabeyso, balse ay doonayaan in boosaska metelaadii xukuumadda ee beesha Daarood ka banaan uu magacaabo Xasan Sheekh oo sida uu sheegay wax kasta isku ah.

“Madaxweynaha iyo madaxa xukuumadda oo hadda isku hal ah waxaan rabnaa inuu si deg deg ah u magacaabo wasiirrada anaga na metela, hadii Xasan Sheekh uusan na meteleyn,” ayuu yiri Kulane.

Xildhibaanka ayaa sheegay in aysan qaada karin in beesha Daarood aysan xukuumadda ku yeelan wax metelaad ah, “Wasiiradii beesha Daarood ayaa maqan, iyadoo wasiiradii beeshaas maqan yihiin ayaa wasiirro kale la kala bedelay,” ayuu yiri.

Hadii aan wasiiradaas lasoo magacaabeyn wuxuu dalbaday in madaxweyne Xasan Sheekh uu cadeeyo in isagu metelo beesha, “Waan ku kalsoonahay, hana dhaho madaxweynuhu anigaa idin metela oo wasiirro idiin ah, aan dadkeena ku qancino inay metelaad heystaane,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Kulane Jiis ayaa sheegay in dadka uu metelo ay maalin kasta weydiiyaan sababta aan loo magacaabeyn kuraasta banaan ee wasiirrada Daarood, kuwaas oo kala ah wasiirrada amniga iyo arrimaha dibadda.

“Dadkii aan metelay waa i soo weydiinayaan, wasiirro ayaa la kala bedelayaa ee anaga kuraasteena lama magacaabayo miyaa ayaa la i soo leeyahay wax aan ku jawaabana ma aqaan, marka hadda dadka aan metelo waxaan u sheegayaa Xasan Sheekh ayaa Taliye ciidan, wasiir, ra’iisul wasaare, madaxweyne iyo wax kasta idiin ah,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdullahi Kulane.
Ad
Previous article14 Website oo kooxda Al-Shabaab lahayd oo Dibada laga Soo Xiray
Next articleWaa kuma Alexander Stafford ninka u ololeeya madaxbananida Somaliland, muxuuse ka damacsan yahay?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here