Home Wararka Maanta Wasiirka Waxbarashada iyo safaarada shiinaha oo kulan xasaasi ah yeeshay Maxuu ahaa...

Wasiirka Waxbarashada iyo safaarada shiinaha oo kulan xasaasi ah yeeshay Maxuu ahaa kulanka ?

0

Wasiirka Wasaaradda waxbarashadda, Hiddaaha iyo Tacliinta sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Farah Sheikh Abdulkadir  ayaa maanta kula la yeeshay Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Fei Shengchao.

Kulanka Wasiirka iyo Safiirka ayaa looga wada hadlay fududeynta waxbarashada Ardayda Soomaaliyeed ee deeqaha waxbarashadda ka hela Jaamacadaha dalka Shiinaha, kuwaasi oo aan fursad Waxbarasho ka helin 3 sano ee u danbeysay sababa la xariira Cudurka Covid-19 ee dunida ka dilaacay sanadii 2019.

Dhanka kale Wasiirka Waxbarashadda ayaa Safiirka Shiinaha ka codsaday sidii ardayda Soomaaliyeed ee ka qalin jabiya Jaamacadaha dalka loogu ogolaan lahaay sidii ay takhasus ugu sameyn lahaayeen Jaamacadaha ku yaal Dalka Shiinaha.

Ugu dambeyn Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya ayaa balan qaaday in uu gacan ka gaysan doono fududeynta qodobada ay isla soo qaadeen Wasiirka waxbarashadda uuna la-wadaagi doono dowladiisa sidii loo fudueyn lahaay ka jawaabista codsiga Wasiirka waxbarashadda Soomaaliya.

Ad
Previous articleXaafiisyada Madaxweynaha iyo Raysulwasaraha oo Qaraxyo laga Baaray Maantay
Next articleMaamulka Gedo oo ka horyimid mudo korarsigii u samaystay Axmed Madoobe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here