Home Wararka Maanta Alshabaab oo Baahisay Qabiilka Mid ka Mid ah Ragii Weeraray Xerada Xalane

Alshabaab oo Baahisay Qabiilka Mid ka Mid ah Ragii Weeraray Xerada Xalane

0

Labo dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab ayaa isbuucii hOre weerar toos ah ku qaaday qeybo kamid ah xeyndaabka xerada Xalane oo ah taliska ugu weyn ciidamada AMISOM sidoo kale degan yihiin safaarado reer Galbeed ah.

Dagaalyahanadan katirsan Al Shabaab ayaa saacado badan ka dhax dagaalamayay qeybo kamid ah xerada ay weerareen, waxa ayna halkaasi ku dileen ciidamo katirsan AMISOM iyo dad kale oo ajaaniib ah oo xerada ku sugnaa.

Al Shabaab ayaa sheegtay in Max’med Macalin Axmed  (Cabdi Risaaq-Juleybiib) uu kamid ahaa ragii weerarka ku qaaday Xerada Xalane, Al Shabaab ayaana sheegtay in ninkan qabiil ahaan kasoo jeedo Digil iyo Mirifle gaar ahaan beesha Eelay.

Warbaahinta Al Shabaab ayaana laga baahiyay wareysi uu ninkan bixinayay isaga oo ku dhax sugan xerada Xalane, waxa uuna sheegay in gudaha xeradaasi ku dilay ciidamo katirsan AMISOM iyo dad kale oo ajaaniib ah.

Weerarkii lagu qaaday xerada Xalane ayaa dowladda Soomaaliya sheegtay in lagu dilay lix qof oo ajaaniib ah, waxaana weerarkaasi fashiliyay heerka feejignaanta ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM

Ad
Previous articleXaaji Shiine oo lagu Dilay Magalaada muqdisho
Next articleXildhibaan Soomaali ah oo Ka Tirsan Baarlamaanka Canada oo Difaacay Soomaalida Laga soo Tarxiilaaya Canada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here