Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus iyo duqeymo oo ka dhacay Laascaanood

Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus iyo duqeymo oo ka dhacay Laascaanood

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaas oo u dhexeeyay ciidamada Somaliland iyo sidoo kale kuwa deegaanka.

Dagaalka oo billowday abaare sideeda habeenimo ayaa waxaa barbar socotay duqeyn xoogan, gaar ahaan madaafiic lagu garaacay gudaha magaaladaasi.

Kooxaha gurmadka deg-dega ah ayaa sheegay in dad kooban ay waxyeelo kasoo gaartay dagaalka xalay ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Sidoo kale dagaalkan ayaa saameyn ku yeeshay dadka shacabka ah, maadaama xilliyada habeenkii ah markii ay kala qabowdo xabadda ay kasoo adeegan jireen dukaamada.

Waxay sidoo kale noqonaysaa markii u horraysay ee ay labada dhinac xilli habeen ah ku dagaalamaan magaalada, tan iyo markii dagaalka ka bilowday halkaasi 9 maalin kahor.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay labada dhinac oo ku aadan dagaalka xalay dib uga billowday Laascaanood.

Arrimahaan ayaa kusoo beegmaya, ayada oo ay burburtay xabad joojintii ay ku dhawaaqday Somaliland, maadaama uu weli dagaalka halkiisa ka socdo.

Si kastaba, labada dhinac ayaa horay u sheegay in mid kasta uu diyaar u yahay xabad joojinta, balse ma noqon mid hirgasha, waxayna noqotay mid ku kooban afka baarkiisa.

Ad
Previous articleSomaliland oo dagaalka Laascaanood ka socda ku eedaysay madaxweyne Farmaajo
Next articleNin hubeysan oo dad ku laayey Jaamacad ku taalla Mareykanka (Daawo Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here