Home Wararka caalamka Musharax Axmed Fiqi oo la Hadlay Bulshada Gaalkacyo una Sheegay Beelaha ku...

Musharax Axmed Fiqi oo la Hadlay Bulshada Gaalkacyo una Sheegay Beelaha ku Mideysan Gobolada Dhexe …Dhageyso Qudbadiisa oo Dhamestiran,,,,

3

Musharaxa madaxweynenimo ee gobolada dhexe Axmed Macalin Fiqi oo maanta gaaray magaalada Gaalkacayo ayaa ku baaqay in musharixiinta iyo dadka ku jira ololaha doorashooyinka aysan kala qeybinin bulshada ku nool gobolada dhexe.

 

 

 

 

Wuxuu sheegey in maamulka ay ku mideysanyihiin 13 beelood , islamarkaasina xitaa haddii beel kasta ay musharax keensato in aysan ahayn in taasi ay dadka kala qeybiso, “Qofkii bulshada kala qeybinaya ma ahan nin dan usoo wada gobolkani” ayuu intaasi raaciyey Danjire Fiqi.

 

 

 

 

Afayeenka odayaasha Gaalkacayo Yaasiin Maxamed Gaani oo xafladii soo dhaweynta ka hadlay ayaa sheegey in ay aad usoo dhaweynayaan musharaxa oo uu tilmaamay in uu yahay nin aqoon leh.

 

 

 

 

Axmed Maxamuud Baasto oo horey wasiirka arrimaha gudaha oga ahaa maamulka Galmudug ayaa yiri “Maamulada Somaliland, Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ninkii la tartami lahaa oo naga daba geyn lahaa waa Axmed Macalin Fiqi ee ma’isla qaadanay?” ayuu dadkii weeydiiyey, kuwaasi oo ku wada jawaabay “Haa” oo cod dheer ah.

 

 

 

 

Musharixiinta isu taagay xilka madaxtinimada ayaa isugu tagay gobolada dhexe oo dhawaan uu ka furmi doono shirka maamul u sameynta Gobolada Dhexe.

 

 

 

 

Dhageyso

10 ku laabo mudug24 xiriir

3 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here