Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey Dagaal xalay ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Wararkii ugu Danbeeyey Dagaal xalay ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal xalay ka dhacay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho, kaas oo u dhexeeyay ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya, kaas oo saameyn ku yeeshay shacabka.

Dagaalkan ayaa si gaar ah uga dhacay xaafadda Haanta Dheer ee degmada Dayniile, halkaas oo ay ku dagaalameen ciidamo ka kala tirsan booliska iyo milatariga Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu ka dhashay muran hareeray dhul ku yaalla halkaasi oo booliska ku amreen inay ka guuraan dadka shacabka ah ee deggan.

Amarka kadib ayaa waxaa la sheegay in xaafadda yimaadeen ciidamo kale oo milatari oo hubeysan, isla markaana u abaabul hab beeleed, kuwaas oo la dagaalamay ciidamada booliska Soomaaliya ee isku dayayay inay dhulkaas ka raraaan shacabka deggan.

Goobjoogayaal ayaa innoo sheegay in dagaalka uu qaatay saacado badan, isla markaana ay maqlayeen rasaasta ay si weydaarsanayeen labada ciidan.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkan, maadaama ay ahayd xilli habeen ah, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid deggan.

Ma’aha markii ugu horreysay oo ay dhulkan ku wada dagaalamaan ciidamo ka wada tirsan dowladda, waxayna dhacday dhowr jeer hore, taas oo sababtay dhimasho iyo dhaawac.

Si kastaba, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada Dayniile iyo saraakiisha amniga Soomaaliya oo ku aadan dagaalkaasi.
Ad
Previous articleKenya oo Soomaaliya Ka Saaratay Dalalka visa La,aanta Ku tagi kara Kenya
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Safiirkii Dalka Itoobiya oo isaga baxay Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here