Home Wararka Somaliya Galmudug Deg Deg dagaal culus o u Dhaxeeya Ahlusuna iyo Galmudug oo Kasocda...

Deg Deg dagaal culus o u Dhaxeeya Ahlusuna iyo Galmudug oo Kasocda Duleedka Dhuusamareeb

0

Dagaal u dhaxeeya Ciidanka Ahlusunna Waljamaaca iyo Ciidanka Galmudug, kuwa Dowladda Federaalka oo isku dhinac ah ayaa hadda ka socda aagga Balli-Bire oo dhanka Waqooyi kaga beegan Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Gaadiid ay wateen ciidanka dowladda oo ka baxay Dhuusamareeb, ayey ciidamada Ahlusuna jidka u galeen si ay gawaaridaas u furtaan.

Gaari noociisu yahay Cabdi Bile oo uu leeyahay Xildhibaan Saadaq Cumar Xasan ( Saadaq John) iyo ciidankii saarnaa ayaa la la’yahay.

Gaariggaan waxa uu qayb ka ahaa kolonyo ciidan ah oo ka tirsan madaxtooyada Galmudug oo ay jidka u galeen Ciidanka Ahlusunna Waljamaaca.

 

Ad
Previous articleKursiga ugu adag ee Baladweyne Ku Haray oo Axada La Dooran Doono.
Next articleDeg Deg: Saraakil Sarsare oo Ku Dhintay Dagaalka u Dhaxeeya Ahlusuna iyo Galmudug iyo Gaadiid laga Qabsaday Ciidamada Galmudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here