Home Wararka caalamka Cabdiqeybdiid iyo Soo Dhaweyntiisa Dhuusomareeb…Daawo Sawirada iyo Warbixin Dheer Safarka Madaxweynaha….

Cabdiqeybdiid iyo Soo Dhaweyntiisa Dhuusomareeb…Daawo Sawirada iyo Warbixin Dheer Safarka Madaxweynaha….

3

Masuuliyiinta maamulka gobalka galgaduud ee dowladda soomaaliya saraakiisha ciidamda iyo qaybaha bulshada ee degmada dhuusa mareeb ayaa manta duleedka degmada ka hortagay wafdi uu hogaaminaayay madaxweynaha galmduug c/xasan cawaale qaybdiid oo isu soo taagay qabashada xilka madaxnmimo ee maamulka gobalada dhexe oo ladoonayo in dhawaan laqabto.

 

 

 

 

Gudoomiyaha degmada dhuusa mareeb macalin c/raxmaan cali maxmed geeda qoroow oo daah furay hadalka ayaa sheegay in ay soo dhawaynayaan qaybdiid iyo wafdiga lasocda.

 

 

 

 

 

Hadalado oo ubadnaa soo dhawaynta qaybdiid iyo xubanaha lasocda ayaa qaybihii ka hadlay dhamaan waxa ay tilmaameen imaanshihiisa dhuusamareeb inay ugu muhiimsnatahay hirgalinta maamulka gobalada dhexe.

 

 

 

 

c/xasana cawaale qaybdiid ayaa safarkiisa dhulka waxaa ku wehliya qaar kamid ah madaxda dhaqanka ee galmudug qaybaha bulhsada iyo masuuliyiin katirsan maamulkiisa waxaana manta aad loogu soo dhaweeyay degmada dhuusa mareeb ee gobalka galgaduud.

 

 

 

 

 

qaybdiid ayaa bulshada kala hadlay arimo ku aadan hirgalinta maamulka ladoonayo in loo dhiso labada gobal ee mudug iyo galgaduud iyo doonistiisa xilka madaxweynaha maamulkaasi.

 

 

 

 

 

c/qaybdiid ayaa baaq nabadeed udiray malayshiyo beeleed saakay ku dagaalamay deegaanka saaxo.

 

 

 

 

goobta lagu soo dhaweeyay murasha qaybdiid ayaa kooxo dhalinyaro ah waxa ay kusoo bandhigeen heeso micnaha  murtidoda ay kusaleeyay muhiimadda ay bulshada uleedahay helista maamul hirgaliya horumarinta adeegyada bulshada iyo soo celinta kala dambeynta.

 

 

 

 

Mudug24.  Dhuusomreeb

Liibaan Cajiib Xaaji

Hoos ka Daawo Sawiada

DSC07428DSC07429DSC07430DSC07431DSC07433DSC07434DSC07435DSC07439DSC07440DSC07441DSC07443DSC07444DSC07449DSC07446DSC07447DSC07448DSC07450DSC07453DSC07454DSC07455DSC07456DSC07459DSC07462DSC07463DSC07466DSC07467DSC07468DSC07471DSC07472DSC07474DSC07475DSC07479

10 ku laabo mudug24 xiriir

3 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here