Home Wararka Maanta Howlgal lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab oo ka dhacay duleedka..

Howlgal lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab oo ka dhacay duleedka..

0

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan guutada 9-aad Qeybta 60-aad ee Gobolka Bakool ayaa maanta Howlgal lagu Ciribtirayo al-shabaab ka sameeyay tuulooyin hoos yimaada magaalada Xudur.

Howgalkan oo uu hogaaminayey Abaanduulaha Guutada 9-aad qabta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyed G/lle Yoonis Aadan Xassan ayey ciidanku ku burburiyeen fariisimooyin ay Al-shabaab ku lahaayeen degaanada Lukugooraw, Edaayin, Dabgal,  Ceel la haley Ilaa kulan-jareer,

Qoraal ka soo baxay ciidanka xoogga dalka ayaa lagu sheegay inay jiraan khasaaro xoog leh oo la gaarsiiyay cadawga kadib markii ay isku dayeen iney iska caabin sameeyaan.

Lama sheegin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay howlgalkaas oo ku soo beegmay xili Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ay gobolada dalka ka wadaan howlgalo guud ahaan dalka looga ciribtirayo al-shabaab.

Ad
Previous articleKenya Airways oo qiimo lala yaabay ku billaabeysa duulimaadka Muqdisho-Nairobi
Next articleXildhibaan Maxamed Abuukar Islow oo farriin u diray Xasan Sheekh, mucaaradka iyo xildhibaanada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here