Home Wararka Maanta Wasiirkii difaaca Somaliland oo isku casilay heshiiskii badda ee Itoobiya Iyo Soomaaliland

Wasiirkii difaaca Somaliland oo isku casilay heshiiskii badda ee Itoobiya Iyo Soomaaliland

0

Cabdiqani Maxamuud Caateeye, oo ahaa wasiirkii Gaashaandhigga Somaliland, ayaa iska casilay xilka xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi ee wakhtigeedu dhamaady, sida uu goordhaw baahiyey Talefeshinka Horyaal ee fadhigiisu yahay magaalada Hargeysa ee gobolka Waqooyi Galbeed Soomaaliya.

Wasiir Caateeye ayaa is casilaadiisa u sababeeyey in uu kasoo horjeedoheshiiska Soomaalidu ka carootay ee Muuse Biixi uu badda ku siiyey Itoobiya, kaas oo1-dii bishaan magaalada Addis Ababa ku dhex maray Biixi iyo Abiy.

Wasiir Cabdiqani Caateeye ayaa ka soo jeeda beesha Ciise ee degta Saylac, wuxuuna sheegay in umadda Soomaaliyeed ee diiday damaca Muuse Biixi iyo Itoobiya uu ku qalbi yahay, isagoo wacad ku maray in marnaba aysan Xabashi iman doonin dhulka Soomaaliya.

“Waxaa isku casilay, sidaa ogtihiin madaxweynaheenu wuxuu heshiis la soo galay Itoobiya, wuxuu wareejiyey 20 KM oo ka mid ah badeena, arrinkaas si weyn ayaan uga soo horjeeda dhulka Soomaaliyeedna uma ogolaa karo Xabashi,” ayuu yiri wasiirka iska casilay xukuumadda Muuse Biixi.

Cabdiqani Caateeye wuxuu xusay in Itoobiya uu ku maqan yahay dhul hore oo Soomaalida ay ka dhacday, hadana uu ku jiro damac kale oo dhul Soomaaliyeed ay ku dhacayaan.

“Hadaan Soomaali nahay dhul hore ayaa nooga maqnaa Xabashida, cadowga koowaad ee umaddaan Soomaaliyeed waa Itoobiyaan, ninkii qeyb ka mid ah dhulkeena heystay in maanta uu badeena soo haweysto anigoo xukun joogana yeeli maayo, hadaan dibadda ka joogo xukuumadana waxaan yeeli doonaa wixii rag la gudboon, insha allah,” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiir Caateeye.

Wuxuu sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi uu kala dooday arrintaan, isla markaana ay isku fahmi waayeen oo ku soo kala tageen maanta, wuxuu intaas ku sii daray, in Muuse Biixi uu qabyaaladeeyey arrinta.

“Madaxweynaha markii aan doodnay waa qabyaaladeeyey arrinta. Wuxuu yiri Saylac iyo Lughaya ayey degtaa beeshaada Ciisaha, laakiin soohdintaan soke ee beeluhu deriska ka yihiin ayaan Itoobiya ka siineynaa dhulka, aniguna waxaan ku iri dhamaan dhulka Soomaaliyeed waa isugu key mid in Xabashi la siinaya ma ogolaan karo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Wasiirkii Difaaca Somaliland oo is casilay caawa.

Banaanbaxyo ka dhan ah damaca Itoobiya iyo madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee maamulka Somaliland Muuse Biixi ayaa maanta ka dhacay magaalooyinka waaweyn ee Somaliland oo Boorama ay ugu horeyso, iyada oo shacabku ku qeylonayeen “Baddeenu iib ma aha.”

Sida oo kale Mid kamid ah Banaan-baxayaasha magaaladda Boorame cod dheer ku yiri” Soomaaliya waa 18 Gobol, waxaan ka mideysanahay nin Addis Ababa tagay inuusan baddeenna iibin”.
Ad
Previous articleAlshabaab oo Hanjabaad u Diray Beesha Isaaq
Next articleKenya oo Soomaaliya Ka Saaratay Dalalka visa La,aanta Ku tagi kara Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here