Home puntland Wasiir ku xigeenkii Hore ee Warfaafinta Galmudug Abwaan Axmed Maxamed Cumar Axmed...

Wasiir ku xigeenkii Hore ee Warfaafinta Galmudug Abwaan Axmed Maxamed Cumar Axmed Shire oo Gabay ka tiriyay heshiiskii beelaha sacad….

0

wasiir ku xigeenka warfaafinta galmudug abwaan axmed maxamed cumar axmed shire ayaa gabay ka tiriyay heshiiskii beelaha sacad

subaxan warka mudug iga yimid cumarow iga dhigan saymo xoogbadane


saxansaxaa ii caraftay iyo sabad barwaaqade


sacad baa walalobay majiro hadal lasiistaye

sab fooraartaan ahaa cumarow sacan ka horowe

sidaan tuug ahay kulamaada waa yahan waa ka saahidaye


sacab iyo sawaxanka maqlay samada egaye


duco iyo saligaan boobay oo sajuud dhacaye


salugii iyo xumaantii haddii saka laga booday


sokeyihii haduu heshiyey sacabka isa saaray


sixirkii iyo hadu nagabaxay sixun wax usheegi


samanadan xiqdigii jiray haddii seeskii laga goyey


sooyaalkii iyo taariikhdan lahayn haddii xariga loo soohay


cumarow salaan baan u diri sacad walaalobay


waa cumar cali wehliye oo iyiri heshiska sacad maxa u aragtaa


By  Abwaan Axmed Maxamed Cumar Axmed Shire

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here