Home Wararka Somaliya Puntland Hoggaamiyaha KMG ah ee maamulka SSC-Khaatumo oo ka Hadlay Xaalada Cakiran ee...

Hoggaamiyaha KMG ah ee maamulka SSC-Khaatumo oo ka Hadlay Xaalada Cakiran ee Puntland

0

Hoggaamiyaha KMG ah ee maamulka SSC-Khaatumo, Cabdulqaadir Axmed Cali (Firdhiye) oo khudbad ka jeediyay shir ka dhacay Laascaanood ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee Puntland.

Cabdulqaadir Firdhiye ayaa farriin u diray dhinacyada isku haya doorashada Puntland, gaar ahaan madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo mucaaradka, isaga oo ugu baaqay inay deganaan muujiyaan, kadibna wax weliba ku kor dhammeeyaan miiska wada-hadalka.

Sidoo kale wuxuu ka digay in khilaafka uu sii socdo, isla-markaana laga haboon yahay in xaaladda la gaarsiiyo meel ka adag meesha ay hadda taagan tahay.

“Garoowe bulshada ku dhaqan, xukuumadda, dhaqanka iyo siyaasiyiintaba waxaan ugu baaqayaa in is mari-waaga siyaasadeed lagu dhammeeyo wada-hadal iyo miis koorkii ee aan loo kicin meel aan laga soo celin kareynin” ayuu khuddbadda ku yiri C/qaadir Firdhiye.

Waxaa kale oo uu ku taliyay in lagu laabto waxgaradka iyo dadka ay talada ka go’do si xal waara loogu helo khilaafka doorashada maamul goboleedka Puntland.

Ummadda dhan waa soo eegeysaa Garoowe iyo waxa ka soconaya waxaan rajaynayaa in talo qabeenka halkaa jooga ee talada wax ku leh in laga dhageysan doono” ayuu raaciyay.

Ugu dambeyn wuxuu ka hadlay arrimaha ammaanka Garoowe oo maalmihii u dambeeyay ay ka dhacayeen falal ammaan darri, balse waxa uu qiray in caasimada Puntland ay tahay meel amnigeedu wanaagsan yahay, Laascaanoodna ay uga dayan doonto.

“Mandiqadatan meesha ugu amniga badan waxay ahayd Garoowe, waxaan rajanayaa inay Laascaanood noqoto amni badantii labaad.” ayuu mar kale yiro Hoggaamiyaha SSC.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli xaalad cakiran laga dareemayao Garoowe oo ay ku wadan sugan yihiin ciidamo kala taabacsan xukuumadda iyo xubnaha mucaaradka.

Ad
Previous articleBarakac Xoogan oo kasocda Degmada Afgooye kadib Markiii..
Next articleWar Deg Deg ah: Xukunka Qayb kamid ah Laamaha Maamul ee degmada Hodan ooAlshabaabnimo loo haystay oo la Riday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here