Home Wararka Somaliya Somaliland Cabdulqaadir Fidhiye oo loo Doortay Hogaanka Cusub ee SSC

Cabdulqaadir Fidhiye oo loo Doortay Hogaanka Cusub ee SSC

0

Cabdulqaadir Axmed Aw Cali oo loo yaqaan Cabdulqaadir Fidhiye waxaa loo doortay Hogaanka SSC ka dib markii ay u codeeyeen 30 ka mid ah 45-ka xubnood ee uu ka kooban yahay Golaha dhexe.

15-ka soo haray ayaa codkooda siiyey Maxamed Ismaaciil Bulaale oo tartanka looga guuleystay.

Sidoo kale, Ku-xigeenka hogaanka SSC ayaa waxaa loo doortay Maxamed Cabdi Ismaaciil (Shiine).

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash ayaa hambalyo u diray hogaanka cusub ee SSC.

Waxaa uu u rajayey hogaanka cusub inay dar-dar geliyaan Arrimaha baaxada leh ee ka jira gobolka oo ay ugu horeeyaan dhamaystirka halganka iyo soo celinta Nolosha bulsho ee deegaan.

Firdhiye oo loo doortay hogaanka SSC ayaa 1972dii ku dhashay degmada Taleex, waxbarashada hoose iyo ta sareba ku qaatay Magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool, halka culuunta Diinta islaamkana Jaamacada Umma ee Nairobi uu ka qaatay.

Hogaankan cusub ayaa la wareegaya dhamaan maamulka SSC oo awal madaxda dhaqanka dusha ka saarnaa iyo guddiga 33-da ahaa oo haatan hawshoodii dhamaatay.

Ad
Previous articleBeesha Yabardhowrkace oo Dhuusamareeb kusoo Bandhigtay Ciidamo ka qayb Galaaya Dagaalka Ku Wajahan Ceelbuur(Sawiro)
Next articleMayd Xambaarihii Alshabaab iyo Kayd Hayihii Hubkooda Xukuno Adag Lagu Riday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here