Home Wararka Maanta Diyaarad Waday Dad ay ka keentay Gobolada Soomaaliya oo Shil ku gashay...

Diyaarad Waday Dad ay ka keentay Gobolada Soomaaliya oo Shil ku gashay garoonka Adan cade

0

Shil diyaaradeed ayaa goordhoweyd ka dhacay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Warar hordhac ah oo kasoo baxaya ayaa sheegay in diyaaraddan oo lagu magacaabo Salaama Air ay ku timid cilad sababtay inay u bixi waayeen lugaha markii ay kusoo dagan rabtay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Diyaaraddan oo wadday dad rakaab ah ayaa waxay ku degtay meel banaan ah oo kamid ah isla garoonka Muqdisho kadib markii ay u bixi waayeen lugaha.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in shilkan uu ka dhashay khasaare kala duwan, welina lama soo warin wax khasaare nafeed ah.

Waxaa haatan socda dadaallo lagu soo daabulayo dadkii shacabka ahaa ee la socday diyaaradda shilka ku gashay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Ad
Previous articleWadan ka Tirsan Yurub oo maxkamadda ICJ loo soo taagey taageerada Israa’iil
Next articleCiidamada Israel oo ugu Danbayn Isaga baxay degmada Khan Yonis ee magaalada Gaza oo dagaalo culus lagula Galay(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here