Home Wararka caalamka Baarlamaanka Puntland oo Maanta soo Xiray kala Fadhigii 34 aad ….Dhageyso…..

Baarlamaanka Puntland oo Maanta soo Xiray kala Fadhigii 34 aad ….Dhageyso…..

1

Xarunta golaha Wakiilada ee Magaalada Garowe waxaa maanta ku soo xirmay fadhigii 34aad ee xubnaha golaha Wakiilada Puntland ay lahaayeen maalmihii ugu dambeeyay.

 

 

 

 

 

Kulan fadhigan lagu soo gaba gabeynayay ayaa waxaa ka qeybgalay Gudoomiyaha Baarlamaanka,Ku xigeenadiisa,iyo in ka badan Afartan Mudane oo xeritaanka fadhigan ka qeybgalay.

 

 

 

 

 

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo warbaahinta kula hadlay gudaha xarunta golaha shacabka ayaa waxaa uu faah faahin dheer ka bixiyay waxyaabihii ugu muhiimsannaa ee fadhigan lagu ansixiyay intii uu soconayay kalfadhigan.

 

 

 

 

 

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa xubnaha Golaha Wakiilada ku aamaanay howshii adkeyd ee ay soo qabteen mudadii 54ta maalmood ahayd ee ay xarunta fadhiyeen.

 

 

 

 

 

Sidoo kale gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa cadeeyay in xubnaha golaha Wakiilada loo diri doono degaanada laga soo doortay si ay usoo ogaadaan baahiyaha halkaasi ka jira.

 

 

 

 

 

Dhageyso Codka Gudoomiyaha Baarlamaanka.

10 ku laabo mudug24 xiriir

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here