Home Wararka caalamka Saddex qof oo siyaabo kala duwan loogu dilay gobolka sool…

Saddex qof oo siyaabo kala duwan loogu dilay gobolka sool…

0

Saddex qof ayaa siyaabo kale duwan loogu dilay, saddex kalena waa la dhaawacay kaddib markii dabley hubeysan ay weerar ku qaadday deegaanka Xaraar-daayeer oo 20 km galbeed kaga aaddan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

 

 

 

 

 

Cusmaan Xuseen Carab oo ka mid ah xildhibaannada golaha degaanka ee magaalada Laascaanood oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in weerarrada ay dhaceen xilliyo kala duwan, isagoo xusay in qof dumar ah ay ka mid tahay dadka la dhaawacay.

 

 

 

 

 

Wuxuu xusay in falka hore uu dhacay kaddib markii ay dabley hubaysan ay tacshiirad la beegsatay gaari ay saaraayeen dad ku sii jeedey magaalada Kalabaydh oo 30 km Laascaanood u jirta ayna dileen hal qof, iyadoo sido kale u dhacay weerar kale oo labo qof lagu dilay.

 

 

 

 

 

Cusmaan Xuseen ayaa tilmaamay in ciidanka booliska ay gacanta ku soo dhigeen raggii falkaas ka dambeeyey.

 

 

 

 

 

Arrinta ayaa loo aaneynayaa aano qabiil oo muddooyinkii ugu dambeeyay ka taagnayd gobolka.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here