Home Wararka caalamka Cumar cabdi rashiid cali sharmaake oo gaaray magaalada muqdisho xili lagu wado...

Cumar cabdi rashiid cali sharmaake oo gaaray magaalada muqdisho xili lagu wado in lagu dhawaaqo ra’isal wasaaraha cusub ee somalia…

2

Waxaa saaka kasoo degay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho Safiirka Soomaaliya ee dalka Mareykanka Cumar C/rashiid Cali Sharmaake oo Garoonka Muqdisho lagu soo dhaweeyay.

 

 

 

 

 

Xubno ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Garoonka Muqdisho kusoo dhaweeyay Cumar C/rashiid, waxaana intaasi kadib lagu soo qaaday gaadiid ciidan badan ay saaran yihiin oo ilaalo looga dhigay.

Cumar C/rashiid ayaa la dejiyay mid kamid ah Hoteelada ku yaalo Magaalada Muqdisho, waxaana halkaasi si weyn u adkeeyay ammaanka ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo Hoteelka ay ugu tageen Xildhibaano si gaar gaar ah ula kulmay.

 

 

 

 

 

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Dhacdo.com u xaqiijiyay in Cumar C/rashiid uu degan yahay Hoteelka Peace ee Garoonka agtiisa ku dhaw, halkaasi oo ammaanka si weyn loo adkeeyay.

 

 

 

 

 

 

Waxaa jirta hadal hayn badan oo ku saabsan in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shekh Maxamuud uu xilka Ra’iisul Wasaarinimo ee dalka u magacaabayo Cumar C/rashiid, inkastoo wax waliba ay isbedeli karaan oo aan laga hordhici karin.

 

 

 

 

 

 

Siyaasiyiinta reer Muqdisho ayaa hadal haayaa shaqsiga noqonaayo Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka, waxaana badi hadal haynta ay tahay Cumar C/rashiid Cali Sharmaake oo horay Ra’iisul Wasaare usoo noqday.

 

 

 

 

 

 

Cumar C/rashiid ayaa Ra’iisul Wasaare kasoo noqday Dowladii KMG aheyd ee dalka waxaana xilkaasi u magacaabay Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii dowladii KMG aheyd 13 Febraayo 2009.

10 ku laabo mudug24 xiriir

2 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here