Home Wararka Maanta “Aubameyang haku dhawaaqo ka fadhiisigiisa kubadda cagta” Jamaahiirta kooxda Chelsea Oo Dhulka...

“Aubameyang haku dhawaaqo ka fadhiisigiisa kubadda cagta” Jamaahiirta kooxda Chelsea Oo Dhulka Jiid-Jiiday Aubameyang Kaddib Fashilkii Man City

0

Jamaahiirta ayaa baraha bulshada ku dhaleeceeyay saxeexa xagaagii ee kooxda Chelsea ee weeraryahan Pierre Emerick Aubameyang kaddib guuldarradii xalay kasoo gaadhay Manchester City.

Kooxda difaacanaysa horyaalka Premier League ayaa xalay marti ugu ahayd Blues gegida Stamford Bridge waxayna uga adkaadeen 1-0 gool qaybtii dambe ka yimid Riyad Mahrez oo bedel kusoo galay.

Aubameyang ayaa kulankaas xalay keydka kusoo bilawday balse xilli hore bedel kusoo galay kaddib dhaawacii haleelay Raheem Sterling.

Si kastaba, tababare Graham Potter ayaan la dhacsanayn 33 sano jirkaas iyo waxqabadkiisii kulanka isagoo markale bedelay qaybtii dambe ee ciyaarta.

Taageerayaasha kubadda cagta ayaa kaddib go’aanka Potter ka falceliyay xaalada Aubameyang iyagoo qaarkood usoo jeediyay inuu kubadda cagta ka fadhiisto oo ay uga dhammaatay.

Halkan kaga boggo aragtiyaha qaar kamida jamaahiirta:

“Wuu soo socday (Bedelkaasi) dhab ahaantii, Chelsea 10 ciyaartoy ayay ku ciyaaraysaa marka Aubameyang ciyaarayo”

“Aubameyang haku dhawaaqo ka fadhiisigiisa kubadda cagta

“Waayahan ciyaareed ee Aubameyang wuu dhammaaday, bedel ayaa lagu keenay haddana waa la bedelay xilli kooxdiisu gool u baahantahay”.

“Aubameyang qaab ciyaareed fadeexad ah ayuu soo bandhigay, daqiiqadii 5aad ayaa la keenay oo waxa la bedelay midii 68-aad”

Ad
Previous articleMahad Salaad oo War kasoo Saaray Sharcigii Golaha Wasiirada Shalay Ansixiyeen
Next articleSomaliland oo ciidamadii Weerari lahaa Laasacaanood soo dhoobtay duleedka magaaladaas

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here