Home Wararka Maanta Raysulwasaare xamse iyo wafdi uu Hogaaminaayo oo u ambabaxay dalka Dibadiisa

Raysulwasaare xamse iyo wafdi uu Hogaaminaayo oo u ambabaxay dalka Dibadiisa

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafti ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Daarusalaam ee dalka Tanzania oo ay kaga qayb galayaan Shir madaxeedka horumarinta Karaanka Aadanaha ee Afrika

Shir madaxeedka ayaa looga hadlayaa taabbagelinta awoodda dadweynaha, oo ah ahmiyad gaar ah u leh dalalka qaaradda Afrika, si ay uga qaybqaataan horumarka qaaradda hiigsaneyso taasi oo mudnaan gaar ah oo ku aadden horumarinta bulshada u leh Xukuumadda Soomaaliyeed ee DanQaran.

Xubnaha wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Waxbrashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr Cali Xaaji Aadan, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim iyo masuuuliyiin kale.

Ad
Previous articleMadaxweynihii Hore ee kenya oo Shaaciyay qorshe halis ku ah Wiilkiisa oo maleegeen Booliiska Kenya
Next articleAgaasimihii Canshuuraha oo Markale Xilka Laga Qaaday Mid Cusubna La Magacaabay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here