Home Wararka Maanta Madaxweyne Xassan Shiikh oo ka hadlay Dagaalka Baydhabo iyo Qorshe Cusub uu...

Madaxweyne Xassan Shiikh oo ka hadlay Dagaalka Baydhabo iyo Qorshe Cusub uu wado

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay dagaalkii saakay ka dhacay magaalada Baydhabo iyo howlgalo cusub oo ka dhan ah kooxda Al Shabaab oo ka bilaabanaya deegaanada Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay masjidka ku dhax yaalla Madaxtooyada salaadii jimcaha kaddib ayaa sheegay in dagaalkii saakay ka dhacay magaalada Baydhabo uu yahay xilligan mid laga naxo oo laga murgoodo.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dhinacyada ay colaada u dhaxeyso in ay qoriga dhigaan isuguna tagaan gogosha nabadeed ee fidsan si ay uga wada hadlaan khilaafka siyaasadeed waxii aragti kala duwanaan ahna uga wada hadlaan.

”Walaalaha reer Baydhabo waxaan leenahay colaad idinkuma cusba horaad usoo aragteen, mid aad idinka isku geesateen iyo mid kor idinkaga timid intaba waad soo aragteen, qorayga dhulka dhiga oo gogosha iskugu imaada, is warsada oo ninkii aan idin anfacey raali ahaaw dhaha , kan idin anfaca heesta haddii uu joogo ,haddii uu maqan yahayna keensada” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Dhinaca kale madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada dowladda guulo ka gaareen howlgaladii ka socday Hirshabelle, waxa uuna sheegay in dhammaan la xureeyay degmooyinka gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhawwaan deegaanada Galmudug kaga sugan yihiin Al Shabaab laga bilaabayo howlgalo lagu ciribtirayo kooxdaasi, waxa uu sidoo kale sheegay in deegaanada Koonfur Galbeed la geeyay iyana ciidamo cusub uuna ka bilaabanayo howlgalo.

Ad
Previous articleDagaalka Baydhabo ka dhacay iyo Waxa Sababay Waxaa ka hadlay Madaxweyne Laftagareen
Next articleGudoomiyaha Barlamaanka Aadan Madoobe oo Cadeeyay Qorshaha laga leeyahay Dagaalka Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here