Home Wararka Somaliya Jubbaland Qarax lala beegsaday kolonyo ay la socdeen ciidamo iyo saraakiil ka tirsan...

Qarax lala beegsaday kolonyo ay la socdeen ciidamo iyo saraakiil ka tirsan kuwa dawladda

0

Wararka ka imanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in qarax lala beegsaday kolonyo la socdeen ciidamo iyo saraakiil ka tirsan kuwa dawladda.

Dadka deegaanka ayaa u sheegay  Warbaahinta un qaraxan uu ka dhacay waddada xiriirisa magaaooyinka Luuq iyo Doolow.

Dhaawaca Abaandulaha Guutadda 10aad Rashiid Bohol iyo askar kale ayaa lageyay isbitaalka degmada Luuq. Lix askari ayaa ku geeriyotay qarax. Gaariga Cabdibilaha ee uu sarnaa Rashiid Bohol ayaa lalabeegsaday qarax.

Iska hor imaad kooban ayaa ka dhacay goobta qarax, Alshabaab ayaa muddoyinkii danbe wadadda labada magaalo xariiriso ku baadayay umadda. Abaandulaha ayaa ka soo baxay magaalada Dolow magaalada Luuq ayuu arimo shaqo ugu socday. Guddomiye Ku-xigeenka Gedo Macalimuu ayaa qorsheynayay inta qarax uu ka dhicin wadadda inuu ku safro saaka.

Rashiid Bohol waa sarkaaalkii kobaad oo iskudayo inuu wadadaasi ciidamo lamaro qaraxii sideed bilood ka dib uu ku geeriyoday Taliyihii NISA Bakaal Kooke AUN oo wadadaasi lagu qarajiyay. Halista amni ee ka tagaan wadadaasi ayaa qatar ku ah in si nabad ah halkaasi logu safaro.

Ad
Previous articleShariif Abshir (JiniJini) oo Dhawaan Xarardheere Saacid Cali ku Dilay oo Dil Toogasho ah lagu Fuliyay
Next articleWar Deg Deg ah: Ciidmada Darawiishta Galmudug oo si Buuxda ula Wareegay Magaalada Camaara

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here