Home Wararka Maanta Midowga Dalladaha Waxbarashada Dalka oo Laba Garab u kala Jabay war Hor...

Midowga Dalladaha Waxbarashada Dalka oo Laba Garab u kala Jabay war Hor lehna Soo saaray

0

Guddiga sare ee Midowga Dalladaha Waxbarashada dalka ayaa ka soo horjeestay xubno magaca midowga Dalladaha ku qaadacay Imtixaanka Shahaadiga oo ay qaado Wasaaradda Waxbarashada.

Warsaxaafadeed ka soo baxay ayaa lagu sheegay in Wasaaradda Waxbarashada ay masuul ka tahay nidaanka iyo siyaasadda waxbarashada guud ee dalka.

Sidoo kale Midowga Dalladaha Waxbarashada ayaa sheegay iney mar walbo diyaar u yihiin la shaqeynta Wasaaradda Waxbarashada iyo agaasinka Waxbarasbada Gobolka Banaadir.

Ugu dambeyn Midowga Dalladaha Waxbarashada Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay Maamulayaasha Iskuulada, waalidiinta iyo Ardayda iney u diyaar garoobaan ka qeyb galka Imtixaanka isla markaana la shaqeeyaan Wasaaradda.

 

 

 

Ad
Previous articleCali Mohamed Hassan (Balaakii) oo noqday Qofki Sadexaad 24 saac Guduhood lagu Dilo Koonfur africa
Next articleIntabadan Wadooyinka Magaalada Muqdisho oo Saakay Xiran Xili Dowlada Cusub laga Filaayay inay Furto

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here