Home English News Xiriirka puntland iyo jubbland oo u muuqda mid go.aya xili kismaayo lagu...

Xiriirka puntland iyo jubbland oo u muuqda mid go.aya xili kismaayo lagu qaban qaabinayo shir lidi ku ah puntland .. akhriso nuuca shirka..

1
SHARE

Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa  ka socda qaban qaabo logu jiro shir ay ka soo qayb galayaan Maamul Goboleedyo dhowr ah iyo Dowlada Somalia .

 

 

Shirkaan ayaa waxaa awoodisa soo abaabulay Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud  iyo Shariif Xasan Sheikh Adan waxana  ka soo qayb galaya wufuud iskugu jirta Somali iyo Ajaanib.

 

 

Shirkaan ayaa ah mid Isbahaysi Siyaasadeed ay ku sameysanayaan  Maamulada Jubba, Konfur Galbeed iyo Dowalda dhexe ee Somalia waxaana Shirkaan lagu caasumaya Xubno ka mid ah beesha Caalamka  kuwaas oo la tusin doono sida Maamul Goboleedyada ay ugu kalson yihiin Dowlada dhexe ee Somalia.

 

 

Shirkaan laguma casuumin Maamulka Faca weyn ee Puntland waxaana u jeedkiisu u yahay in caalamka lo mujiyo in  Maamul Goboleedyada Somalia ka jira  in ay taagersan yihiin Dowlada Somalia iyo qaabka ay u shaqayso marka laga reebo  Puntland oo la rabo in laga dhigo  Maamul mixnad ah oo aan ogoleyn dowladnimada Somalia.

 

 

Shirkaan ayaa waxaa lagu wada in uu Kismaayo ka dhaco  dhamadka bisha aanu ku guda jirno ee Decembar asago socon doono maamulo aan la cayimin.

 

 

Dhanka kale Xiriirka Puntland iyo Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa gabi ahaanba go,ay ka dib markii Hogaamiyaha Maamulka Jubba Axmed Madoobe uu  Siyaasadi Gobolka u ka weciyay wadadi ay ku socotay.

 

Hogaamiyaha  Jubba Axmed Madoobe iyo  Madaxweyne  Puntland Cabdiweli Gaas ayaa  bishaan gudaheeda labo gor wadahadlay waxaana wadahadaladaasi ay ku saabsanayeen Arinka Mooshinkii ka dhanka aha RW Abdiweli iyo  Shirka Kismaayo lagu qaban doono  waxaana labadaasi wada hadal ay ku soo dhamadeen Fashil .

 

 

Puntland waxay hanti iyo maskax badan  ku bixisay dhismihii Maamulka Jubba  ayado ila iyo hada  ka taakulayn jirtay daweynta askarta Maamulka Jubba  ee ku soo dhawacma dagaalada iyo isku xirka Maamulka Jubba iyo Beesha Caalamka waxaana khilaafka cusub ee labada maamul u hoos u dhac weyn u keeni doona Maamulka KMG ah ee Jubba oo asagu taakulo balaaran ka heli jiray Puntland.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here