Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Madaxweyne Xasan Shiikh iyo P.M Xamsa Oo kala Furfurid...

Wararkii Ugu Danbeeyey Madaxweyne Xasan Shiikh iyo P.M Xamsa Oo kala Furfurid ku Bilaabay Xildhibaanadii Diidanaa Wax ka Badalka Dastuurka

0

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaare Xamza oo ka duulaya ansixinta wax ka beddelka dasuurka ayaa bilaabay kulamo gooni gooni ah oo ay la qaadanayaan xildhibaanada baarlamaanka.

Kulamadan oo dhacay saacadihii lasoo dhaafay ayaa ka qabsoomay xarunta Villa Soomaaliya, kuwaas oo uu ujeedkooda uu ahaa meel marinta wax ka beddelka dastuurka.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in madaxda qaranka ay kala furfuris ku bilaabeen xildhibaannada diidan ansixinta afarta cutub ee dastuurka, kuwaas oo maalin kahor cududooda kusoo bandhigay magaalada Muqdisho.

Xubnaha diidan dastuurka ayaa isugu jiro xildhibaano iyo senataro gaaraya illaa 70, kuwaas oo ololahooda diidmada ka dhex wada baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si gaar ah saacadihii lasoo dhaafay ula shiray xildhibaano kala duwan, isaga oo ka codsaday in ay ka shaqeeyaan meel-marinta dastuurka,.

Sidoo kale waxaa uu ku qancinayay xildhibaanada in dastuurka uusan ahayn kitaab Qur’aan oo wax laga beddeli karo sidii horayba u dhacday markii uu ahaa Axdi Qarameedka.

Dhankiisa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo kulan la qaatay xubnaha golaha wasiirada ee ku jira baarlamaanka ayaa ku amray inay si buuxda uga qayb-qaataan meel marinta wax ka bedelka dastuurka, ayna sidoo kale olole ka dhex bilaabaan xubnaha kale ee diidan.

Villa Soomaaliya ayaa dadaal xoogleh ku bixineyso qorshaha wax ka beddelka dastuurka, ayada oo garab ka heleysa guddoonka baarlamaanka, waxaase diidan xubnaha mcaaradka.

Ad
Previous articleShacab Badan oo ku Sugnaa Galmudug oo u Guuray dhul Alshabaab Maamulaan
Next articleMaxaa Looga Hadlay Shirkii Golaha wasiirada ee Maantay oo La Filaayay In Taliyayaal lagu Magacaabo?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here