Home English News Madaxweynaha galmudug oo ka qeyb galay dhamaandka olole socday 16 maalmood oo...

Madaxweynaha galmudug oo ka qeyb galay dhamaandka olole socday 16 maalmood oo lagu xusay maalinta xuquuqul insaanka aduunka..daawo sawirada…

1

Munaasabada oo aheyd mid ay soo agaasintay wasaarada haweenka iyo xuquuqul insaanka dowlada Galmudug ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay wasiirada wasaarada haweenka iyo xuquuqul insaanka dowlada Galmudug Sahro Maxamed Cali (Zahro Lo”le) oo iyadu sheegtay in ka wasaarad ahaan ay xilgaara iska saareen dhowrista xuquuqul insaanka isla markaana ay wasaaradu waday tan iyo markii ay hogaanka uqabatay barnaamijyo ku aadan sidii bulshada loogu wacyi galin lahaa ka shaqeeynta ilaalinta xuquuqda uu leeyahay ruux kasta iyo ka hortagida xadgudbyada loo geeysto guud ahaan haweenka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

 

 

Madaxweynaha dowlada Galmudug mudane Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo munaasabada soo xiray ayaa ugu horeeyn sheegay in maamulkiisu uu markasta xil gaar ah uu iska saarayo dhowrista xuquuqul insaanka taasoo uu xuusay in ay tahay qodab dastuuri ah kuna xusan dastuurka uu leeyahay Dowladda uu hogaanka u hayo ugu danbeeyna madaxweynaha Galmudug ayaa ugu baaqay guud ahaan shacabka Galmudug in ay noqdaan bulsho u taagan markasta ilaalinta iyo dhowrista xuquuqul insaanka taasoo uu ku tilmaamay in ay tahay tan kaliya ay ku gaari karaan horumar.

 

 

ugu Danbeyn ololahan Ayaa Socday Mudo 16 Maalmood Waxana ugu Muhiimsanaaa Dhowrida Dumarka Somaliyed oo lagu waxyeeleeyo Gudaha Somalıa Gar.ahan Galmudug

 

 

 

Sawir Qaade    Wariye Safiyo sheekh cali

 

Mudug24. Gaalkacyo

q2q3q4q5q6

10 ku laabo mudug24 xiriir

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here