Home Wararka Maanta Dowladda Germany ayaa 12 milyan oo Yuuro ugu deeqday Sanduuqa Gargaarka Bani’aadannimo...

Dowladda Germany ayaa 12 milyan oo Yuuro ugu deeqday Sanduuqa Gargaarka Bani’aadannimo ee Soomaaliya

0

Khamiis, December, 16, 2021 (HOL) – Dowladda Germany ayaa 12 milyan oo Yuuro ugu deeqday Sanduuqa Gargaarka Bani’aadannimo ee Soomaaliya (SHF), taasoo ka dhigan in uu Jarmalku sannadkan dhaqaale dhan 64 milyan oo Yuuro uu ku bixiyay gargaarka arrimaha bini’aadinimo ee Soomaaliya.

Lacagtan ayaa lagu caawin doonaa dadka si ay ula tacaalaan xaaladaha abaareed ee isisoo taraya. Ku dhawaaqista taageeradan ayaa daba socotay lacag kale oo dhan 7 milyan oo Yuuro oo loogu talagalay hawlaha Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP).

Jarmalku wuxuu sheegay inuu sii wadayo inuu garab istaago Soomaaliya iyo dadkeeda si loo maareeyo abaaraha iyo dhibaatooyinka ka dhasha sida ugu macquulsan.

Taageerada dowladda Germany waxay ku soo beegantay waqti aad xasaasi u ah, iyadoo Soomaaliya ay la dagaalameyso abaar ka dib markii ay hoos u dhaceen roobabkii dalka ka da’i jiray.

Qaramada Midoobay (QM) ayaa ku qiyaastay in 7.7 milyan oo Soomaali ah ay u baahan doonaan gargaar 2022.

Ad
Previous articleNabadoon Cali jeesto oo ka Horyimid Go,aankii Gudiga Xalinta Khilaafadka ee Hop067 ee Degaan Dorashadiisu ahayd Galmudug
Next articleKoox Burcad ah oo jidgooyooyin dhigtay Wadada isku xirta Cadaado iyo Galinsoor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here