Home Wararka Maanta Shiikh Shariif oo Digniin Adag u Diray Dowlada Xasan Shikh

Shiikh Shariif oo Digniin Adag u Diray Dowlada Xasan Shikh

0

Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlay wax ka beddelka dastuurka ayaa dowladda uga digay inay xilligaan xasaasiga ah isku deydo meel-marintiisa.

Shariif ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in arrimaha wax ka beddelka Dastuurka loo raaco hab raaca uu tilmaamayo Dastuurka kumeel-gaarka ah, si looga fogaado buu yiri khilaaf cusub iyo kala aragti fogaansho uusan dalku marxaladdaan qaadi karin.

“Dowladda, waxaan kula talinaynaa in ay ku mashquulaan arrimaha horu-tabinta u leh danaha Qaranka Soomaaliyeed, waqtigaan la joogana uga shaqeeyaan si taxaddar leh,” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in maanta ay jirto fursad weyn oo dadka Soomaaliyeed dib loogu mideyn karo meel kasta oo ay joogaan, ayna tahay in laga ilaaliyo wax kasta oo keeni kara khilaaf.

“Dowladdu waa inay qaaddo tallaabooyin u dhigma waxa ka socda gobalka oo lagu xaqiijinaayo bad-qabka madax bannaanida iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweyne Shariif.

Hoos ka aqriso qoraalka

Waxaan markhati maddoonta ah in dalkeenna uu maraayo marxalad adag, kuna jiro xaalad xasaasi ah oo u baahan midnimo iyo wada tashi si loo waajaho xaaladda adag.

Waxaan si dhaw ula soconnaa khtaraha ku xeeran dadka Somaaaliyeed oo maanta u baahan in laga ilaaliyo wax kasta oo keeni kara khilaaf, maanta waa fursad dadka Soomaaliyeed dib loogu mideyn karo meel kasta oo ay joogaan.

Waxaa habboon in arrimaha wax ka beddelka Dastuurka loo raaco hab raaca uu tilmaamayo Dastuurka kumeel gaarka ah, waqtina la siiyo wadatashiga iyo ra’yi aruurinta arrimaha wax ka beddelka Dastuurka, si looga fogaado khilaaf cusub iyo kala aragti fogaansho uusan dalku marxaladdaan qaadi karin.

Dowladda, waxaan kula talinaynaa in ay ku mashquulaan arrimaha horu-tabinta u leh danaha Qaranka Soomaaliyeed, waqtigaan la joogana uga shaqeeyaan si taxaddar leh.

Sidoo kale, Dowladdu waa inay qaaddo tallaabooyin u dhigma waxa ka socda gobalka oo lagu xaqiijinaayo bad-qabka madax bannaanida iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed.

Ugu dambayn, sidi aan horey u ballan qaadnay waxaan diyaar u nahay inaan dowladda kala shaqayno difaaca dalka.

Ad
Previous articleMaleshiyaad hubaysan oo Xoog kula Wareegay Degmada Matabaan
Next articleMuxuu yahay xeerka muranka dhaliyay ee Madaxweyne Biixi uu dib ugu celiyay Golaha Guurtida Somaliland?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here