Home Wararka Maanta Magaalada Gaalkacyo oo lagu Qabtay nin hore dil uga geestay halkaasi

Magaalada Gaalkacyo oo lagu Qabtay nin hore dil uga geestay halkaasi

0

Ciidamada booliiska qeybta gobolka Mudug ee maamulka Puntland ayaa gacanta kusoo dhigay nin lagu eedeeyay in saakay qof shacab ah ku dilay deegaanka Daarusalaam ee katirsan gobolka Mudug.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Feysal Sheekh Cali ayaa qoraal uu soo saaray ku shaaciyay in ciidamada ammaanka soo qabteen eedeysane Cali Khaliif Xirsi oo saakay dilay nin lagu magacaabayay Maxamed Arbaco.

Guddoomiye Feysal ayaa uga mahadceliyay ciidamada ammaanka iyo dadkii kale ee gacanta ka geestay soo qabashada ninka eedeysanaha ee dilka geestay, kaa oo hadda xabsiga ku jira kuna socdaan baaritaanno.

Laamaha ammaanka ee gacanta ku haya ninka dilka geestay ayaa sheegay in si dhaqso ah u horgeyn doonaan caddaaladda si loo marsiiyo ninkan ciqaabta dilka uu maanta u geestay nin la sheegay in ay isku dhaceen.

Ad
Previous articleSweden: Qarax ka dhacay Guri Dabaq ah oo ku yaala Degmada Farsta
Next articleMadaxwayne Xasan Shiikh oo Gaashaanka U Daruuray Dalab uga Yimid Rutto

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here