Home Wararka Maanta Cali Yare oo u jawaabay Fiqo oo Hadal kasoo Baxay Dhawaan, Waxa...

Cali Yare oo u jawaabay Fiqo oo Hadal kasoo Baxay Dhawaan, Waxa uu ku baaqay in Talaabo laga qaado

0

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee arrimaha amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir, Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) ayaa jawaab adag ka bixiyay hadalkii kasoo baxay Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Macallin (Fiqi ah ee ku aadanaa in markale dib eegis lagu sameeyo kiiska mid kamid ah sideed xubnood oo ay shalay xukuno kala duwan ku ridday Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, kadib markii lagu helay kamid ahaanshiyaha Al-Shabaab, una qaabilsanaayeen Muqdisho.

Dooddan ayaa timid kadib war cusub oo kasoo baxay ehellada Marxuum Maxamed Xaashi oo dilkiisa lagu soo eedeeyay inuu dilay Cabdinaasir Cismaan Nuunow oo kamid ah raggga la xukumay, kaas oo ay Maxkamadda ku xukuntay dil toogasho oo ah qiysaasta Marxuum Maxamed Xaashi Faarax.

Cabdullaahi Xaashi Faarax oo ay walaalo yihiin Marxuumka ayaa qoraal uu soo saaray kaga hadlay xukunka Maxkamadda, isaga eedda dilka ah ee loo jeediyay Cabdinaasir ku tilmaamay mid waxba kama jiraan ah, wuxuuna xusay in walaalkiis uu dilay nin askari ah.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo dhankiisa ka falceliyay arrintaan ayaa ku baaqay in hubin lagu sameeyo kiiskan, dibna loogu laabto baarista.

“Sida muuqata kiiskan wuxuu u baahan yahay hubin, dib u baarid iyo ka fiirsasho badan, waxaana muhiim ah in ehelada daba socota kiiskii ninkaan lagu eedeeyey in la qanciyo isla markaana ninkaan eedeysanaha ah uu asna cadaalad helo.” ayuu yiri wasiir Fiqi.

Haddaba waxaa intaas kadib hadalka Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya jawaab kulul ka bixiyay siyaasiga caanka ah ee Cali Yare Cali oo su’aal ka keenay fal-celinta Wasiir Fiq.

“Oo isagu soo Wasiirkii Gudaha ma ahan waa cidma cidda uu Facebook kala hadlayo?” ayuu yiri Cali Yare Cali.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in hadalka Wasiirka uu ka hor imaanayo go’aankii Madaxweyne Xasan Sheekh ee dagaalka Al-Shabaab, sidoo kalena uu qiil ui raadinayo kiis ay soo gunaanaday Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, sida uu hadalka u dhigay.

“Madaxweyne waxaan kugu casumayaa inaad dhageysato codkaaga oo ah qudbad aad October 1, 2022, ujeedisay bulshada aad Madaxweynaha u tahay adiga oo kor taagan meydka Shahiid, halyeey, Farxaan Qaroole.Mudane Madaxweyne maanta waxaa ku hortaalla xujo cad oo weyn, Maanta, December 18, Wasiir dowladaada ka mid ah ayaa si cad oo banaanyaal ah u jabiyay amarkaagii kana hor yimid go’aankii garsoorku gaaray. ayuu raaciyay guddoomiye ku xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir.

Wuxuu sidoo kale ugu baaqay Madaxweynaha Soomalaiya inuu tallaabo adag ka qaado Wasiirka Arrimaha Gudaha, isaga oo ku eedeeyay inuu jabiyay go’aankiisii ku aadanaa in saraakiisha sar sare ee Maxkamadda Ciidamada looga haro kiisaska la xiriira Al-Shabaab.

“Mudane Madaxweyne maadaama aad adigu tahay horumuudka dagaalka dalka looga xoreeynayo eeyaha naarta, Shacabku Soomaaliyeed waxay kaa sugayaan tallaabada aad Wasiirkaaga ka qaadi doonto iyo inaadan wax tallaabo ah ka qaadin ok dagaalka eeyaha naarta lugula jiro ay saaxiibtinnimo kaala weynaan doonto oo dadka oo aan dhammaanteen wadadaada wada qaadi doonno,” ayuu markale qoraalkiisa ku yiri Siyaasi Cali yare Cali.

Hadalkan ayaa dhaliyay dood xoogan oo ku aadan hadalka kasoo yeeray Wasiir Fiqi, maadaama uu mugdi galiyay xukunka Maxkamadda Ciidamada oo hadal heyn dhaliyay.

Ad
Previous articleSafiirka Jabuuti U Fadhiya Soomaaliya oo lagu Qaabilay Xafiiska Gudoomiye Madaale
Next articleCiidamada NISA oo Xabsiga Dhigay Wariye Jamaal cosmaan oo dhawaan Alshabaab waraysi kasoo Qaaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here