Home Wararka Maanta Dibadbaxyo looga soo horjeedo heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland oo Muqdisho ka socda

Dibadbaxyo looga soo horjeedo heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland oo Muqdisho ka socda

0

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda dibadbaxyo ay dhigayaan dadweynaha magaalada isla markaana ay kaga soo horjeedaan heshiiskii is af-garadka ahaa ee dhawaan dhexmaray dowladda Itoobiya iyo jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.

Isu soo baxyadaan oo ay ka qayb galayaan qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa waxaa sidoo kale taageeraya dowladda federaalka oo iyadu si adag uga hortimid heshiiskaas.

Waddooyinka ayaa xiran waxaana la adkeeyay ammaanka magaalada, iyadoo la qorsheeyay in dadku ay isugu tagaan fagarayaal ku yaalla Muqdisho halkaa oo sida la sheegay khudbado laga jeedin doono.

Tan iyo markii ay heshiiska is af-garadka ahaa kala saxiixdeen madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo raysal wasaare Abiy Axmed kowdii bishaan waxaa soo badanayay tillaabooyinka diblumaasiyadeed ee dowladda Soomaaliya ay qaadayso ayna kaga soo horjeeddo heshiiskaas.

Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey QM oo war kasoo saartay diyaaraddii iyo shaqaalihii u gacan galay Al-Shabaab
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Gabar Itoobiyaan ah oo Dhuusamareeb lagu Dilay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here