Home Wararka Maanta Muuqaal laga duubay booliska Kenya oo isku dayaya inay dad dhacaan

Muuqaal laga duubay booliska Kenya oo isku dayaya inay dad dhacaan

0

Mid ka mid ah warbaahinta ugu waaweyn ee dalka Kenya ayaa shaaciyay muuqaal laga arkayo afar askari oo sida lagu eedeeyay isku dayaya in ay labo qof ka dhacaan lacag dhan 2 milyan oo shilinka Kenya ah (oo u dhiganta $16,000; £13,000).

Askarta muuqaalka laga duubay ayaa la sheegay in ay falkaas ku sameynayeen waddo ku taalla magaalada caasimadda ah ee Nairobi.

Dhibaneyaasha ayaa ka tirsanaa shaqaalaha xawaalad ku taalla magaalada, waxayna lacag kala soo baxeen bangi u dhow goobtooda shaqada.

Isku dayga dhaca ayaa fashilmay markii ay qeylo dhaan sameeyeen.

Raggii booliska ahaa ayaa markii dambe la xiray waxaana sidoo kale la qabtay gaari ay wateen.

Subaxdii Talaadada ayey kasoo muuqdeen maxkamadda si ay uga jawaabaan dacwadaha lagu soo oogay eek u saabsan isku dayga dhaca.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Soo Faragaliyay Arinta Gobalka Gedo oo Wali Xal laga Gaari la,yahay
Next article250 Akoon Oo Shabaab Ku Lahaayeen 4 Banki Oo La Xiray iyo Dowlada oo ka Hadashay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here