Home Wararka Maanta Midowga Afrika oo kasoo Jawaabay codsigii Soomaaliya ee ahaa in Ciidamada ATMIS...

Midowga Afrika oo kasoo Jawaabay codsigii Soomaaliya ee ahaa in Ciidamada ATMIS Dib loo Dhigo

0

Midowga Afrika ayaa taageeray codsigi ay Soomaaliya u dirtay QM ee ahaa in muddo saddex bil ah la hakiyo yareynta ciidamada ATMIS ee Soomaaliya, xilli ay jiraan dib u dhacyo militari.

War-murtiyeed kasoo baxay Golaha Nabadgalyada iyo Ammaanka Midowga Afrika, ayaa lagu sheegay in ATMIS ay si xooggan u taageereyso codsiga ah in la hakiyo bixitaanka 3,000 oo askari.

Bayaanka ayaa hoosta looga xariiqay in Midowga Afrika “uu ku garab taagan yahay shacabka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya hammigooda ku aadan nabad waarta, amni, xasillooni iyo barwaaqo, taasi oo faa’iido u leh gobolka Geeska Afrika iyo guud ahaan qaaradda Afrika. “

Ururka Midowga Afrika ayaa sidoo kale soo dhaweeyay ballan qaadka dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ee Kenya, Itoobiya, Burundi, Jabuuti, iyo Uganda ee ah in ay kala shaqeeyaan Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka in la xaqiijiyo taageerada maaliyadeed ee uu u baahan yahay howlgalka kala guurka ah.

Inkasta oo ATMIS iyo Golaha Nabadgalyada iyo Ammaanka Midowga Afrika ay go’aansadeen hakinta bixitaanka, waxaa go’aanka kama dambeysta ah leh golaha guud ee ururka iyo xubnaha kale ee beesha caalamka ee taageerada maaliyadeed siiya Soomaaliya iyo howlgalka ATMIS.

Wejiga labaad ee bixitaanka ciidamada ATMIS ee Soomaaliya ayaa qorshuhu ahaa in 3,000 oo nabad-ilaaliyeyaal ah dalka looga saaro, ayada oo horey ay dalka ugu baxeen 2,000.

Codsiga Muqdisho ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ka dhashay baahida adag ee loo qabo in wax laga qabto caqabadaha waaweyn iyo saamaynta “qoto dheer” ee ku aaddan isbeddelka amniga ee Soomaaliya.

Dhacdooyinka lama filaanka ah ayaa ka dhashay “ciidankeena militariga oo yar, kuna baylahan furimaha hore ee dagaalka, waxaana ay lama huraan noqotay in dib u habeyn ballaaran lagu sameeyo si loo xaqiijiyo inaan joogteyno dardarteena aan kaga hortagayno khatarta al-Shabaab,” ayaa lagu yiri warqad ay Soomaaliya u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Hawlgalka ATMIS ee Soomaaliya waa howlgal uu ansixiyey Midowga Afrika, islamarkaana sharciyeeyey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, wuxuuna jiray tan iyo 2007. Waxaa horey loogu yaqiin AMISOM.

Ad
Previous articleXildhibaanada Dowlada Soomaaliya ku Matala Soomaaliland oo ka Xumaaday Soodhwayntii Muqdisho loogu Sameeyey Madaxweynaha SSC Khaatumo
Next articleDhowr iyo toban gantaal oo lagu tuuray Israa’iil

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here