Home Wararka Somaliya Maamulka Galmudug oo sheegay inuu bilaabayo Dhismaha Golayasha Deegaanka

Maamulka Galmudug oo sheegay inuu bilaabayo Dhismaha Golayasha Deegaanka

0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-Uheshiinta Galmudug Mudane Cabdi Maxamed jamac (Cabdiwayel) Oo uu Wehlinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mudane Omar Abdi Mohamed ayaa  kulan la qaatay Gudoomiyasha Gobolada Mudug Iyo Galgaduud iyo Gudoomiyaasha Degmooyinka Galmudug.

Wasiirka ayaa kulankaan warbixin uga dhageystay Masuuliyiinta Maamulka Gobolka iyo kan degmooyinka iyagoo  ka warbixiyay xaaladaha nololeed Iyo Amni ee ka jira deegaanada iyo degmooyinka Galmudug.

Gudoomiyeyaasha gobolada ayaa soo gudbiyay cabashooyinka dhanka maamulka ay ee qabaan, sidoo kale caqabadaha ka heysta dhismaha  golayaasha deegaanka.

Wasiirka Arrimaha gudaha ayaa sheegay inta sanadkaan ka dhiman in loo  baahan yahay in degmooyin badan lagu dhameystiro dhismaha goleyaasha deegaanka.

Ugu danbayntii Wasiir Cabdi Maxmed jamac Ayaa Ugu Baaqay Dhamaan Maamulada Degmooyinka Inee u diyaar Garooban Dhismaha Golaha deegaanka ee Degmooyinka Galmudug.

Ad
Previous articleTrump oo sheegay in Mareykanka ay u taallo howl ka weyn gargaarka militeri ee Ukraine
Next articlePuntland oo ku dhawaaqday tirada Ardayda u fadhiistay Imtixaanka Shahaadiga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here