Home Wararka Maanta Dowladda Koonfur Afrika oo ugu baaqday maxkamadda dambiya caalamiga ah ee ICC...

Dowladda Koonfur Afrika oo ugu baaqday maxkamadda dambiya caalamiga ah ee ICC in ay soo xirto Ra’isul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu

0

Ra’isul Wasaaraha Yahuuda Isreal Benjamin Netanyahu ayaa lagu eedeeyay dambiyo dagaal, kaddib markii ciidamadiisa si arxan darro ah duqeyn ugu laayeen dad ka badan 12-kun qof oo shacab ah una badan carruur iyo haween.

Dowladda Koonfur Afrika ayaa ugu baaqday maxkamadda dambiya caalamiga ah ee ICC in ay soo xirto Ra’isul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu, si loogu qaado dambiyada dagaal iyo dhiiga shacabka uu daadiyay.

Wasiirka Madaxtooyada Koonfur Afrika Khumbudzo Ntshavheni, ayaa ugu baaqay ICC in ay soo saarto ammar lagu xirayo Netanyahu , waxa uu xusay haddii ICC aysan sidaa yeelin, ay muujin doonto “guuldarrida guud” ee maamulka caalamiga ah.

Waxa uu sheegay wasiirka in dunnida aysan sii daawan karin waxa ka socda magaalada Gaza ee dhulka Falastiin, waxa uuna tilmaamay haddii ay caddaalad jirto muhiim tahay in lasoo xiro Ra’isul Wasaaraha Isreal.

Ad
Previous articleXizbullah oo weerar gantaallo iyo diyaarado ku qaaday Israel
Next articleLaba diyaaradood oo maalin gudaheed ku burburay deegaan ka tirsan…..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here