Home Wararka Maanta Madaafiic Xalay Saqdhexe lagu Garaacay Magaalada Muqdisho iyo Khasaaro Ka Xoogan oo...

Madaafiic Xalay Saqdhexe lagu Garaacay Magaalada Muqdisho iyo Khasaaro Ka Xoogan oo dhashay

0

 Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa tiro madaafiic ah oo xalay abbaare 2:00 habeenimo lagu garaacay xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho, xilli maanta la calaamo-saarayo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Sida aan xogta ku helnay , Illaa toddoba madfac ayaa ku dhacay xaafado ka tirsan degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, soona xiga dhanka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Qaar ka mid ah madaafiicda ayaa ku dhacay guryo ay degan yihiin dad shacab ah oo xilligaas hurdayey, waxaana ku dhaawacmay 8 qof oo isku qoys ah, ayada oo sidoo kalena qof kale oo shacab ah, oo ka tirsan qoys kale uu ku dhintay.

Laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya iyo kooxaha gurmadka degga ah ee magaalada Muqdisho ayaan wax faah-faahin ah bixinin weerarkaan iyo khasaaraha ka dhashay.

Weerarka ayaa imanaya ayada oo magaalada Muqdisho lagu soo rogay bandow soo billaabmay saacaddu marka ay ahayd 10:00-kii habeenimo ee xalay, kaas oo lagu adkaynayo ammaanka magaalada oo la filayo in Khamiista maanta ah ay ka qabsoonto xafladda caleemo-saarka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Ad
Previous articleDowladda Soomaaliya oo ka jawaabtay aflagaadadii loo geystay nabi Muxammad NNKh
Next articleXildhibaan saabir Shuriye oo Jawaab kulul Siiyay Fahad yaasin Difaacayna Mahad Salaad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here