Home Wararka Somaliya Jubbaland Al-shabaab oo laga xoreeyay degmada Xagar ee gobolka Jubada Hoose

Al-shabaab oo laga xoreeyay degmada Xagar ee gobolka Jubada Hoose

0

Mas’uuliyiinta maamul goboleedka Jubland ayaa sheegay in ciidamada dawladda federaalka oo kaashanaya kuwa maamulka ay maanta qabsadeen degmada Xagar ee gobolka Jubbada Hoose.

Qabashada ayaa ka dambaysay hawlgal ay maanta sameeyeen ciidanka oo ka dhaqaaqay degmada Afmadow.

Sidoo kale ciidamada ayaa hawlgallo ka sameeyey tuulada Weel-Maarow oo waqooyi bari ka xigta magaalada Afmadow ilaa 45km.

Warbaahinta dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in saddex hawlgal oo ka dhacay degaanka Weel-Maarow lagu dilay in ka badan 40 maleeshiyaadka al-Shabaab ah. Wasaaradda warfaafinta dawladda Soomaaliya ayaa ku sheegtaya war saxaafadeed in saaxiibada caalamka ay ka qaybgaleen hawlgalkaas.

Warbaahinta Jubaland ayaa iyaduna tebisay hawlgalkaasi, waxayna tirada dhimashada al-Shabaab ka dhigtay 30. Ilaa hadda ma jiraan warar madaxbannaan oo xaqiijiyey tirada dhimashada.

Jubaland ayaa sidoo kale sheegtay in hawlgalkaas lagu qabtay baabuur bas ah oo ay saaran yihiin waxyaabaha qarxa.

Qabsashada Xagar ayaa muhiim u noqon karta in ciidamadu ay weeraraan magaalada Buuaale oo ah caasimadda Jubaland balse ku jirtay gacanta al-Shabaab in ka badan 15 sano.

Ad
Previous articleWariye meydkiisa laga helay gobol ku yaalla Mexico laabtiisana farriimo lagu qoray
Next articleMilatariga Mareykanka oo duqeyn ku dilay 10 ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here