Home Wararka Somaliya Magaalada Durbanville oo Xalay lagu dilay Muwaadin Somali ah (Magaciisa)

Magaalada Durbanville oo Xalay lagu dilay Muwaadin Somali ah (Magaciisa)

0

Muwaadin Soomaali ah ayaa lagu dilay xalay degaanka Durbanville oo ka tirsan Magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.

Allaha u naxariistee, Marxuumka ayaa Waxaa lagu magacaabi jiray C/qaadir Caajis, goob-joogayaal ayaana sheegay in rag hubeysan ay rasaas Ku fureen. .

Lama oga sababta ka dambeysay dilka muwaadinkan iyadoo dableydii falka geysatay ay baxsadeen sida wararku sheegayaan.

Ciidama Boolis ah oo gaaray goobta lagu toogtay muwaadinka Soomaaliyeed ayaa baaraya kooxdii dilka geysatay oo aan gacanta lagu dhigin.

Magaalada Cape Town waxaa ku soo kordhaya ugaarsiga Soomaalida sida dilalka dhaca iyo afduubka, waxaana sanadihii la soo dhaafay halkaas lagu dilay Soomaali fara badan oo dalkaas ka shaqeysta.

Ad
Previous articleMaraykanka oo war kasoo saaray shirka Muqdisho uga furmaya Madaxda Soomaalida
Next articleShirka Wadatashiga Doorashada oo Goor dhaw ka Furmay Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here