Home Wararka Maanta Aadan Maxamed Cali iyo Maxamed Cali oo Horay Bosaaso iyo Muqdisho...

Aadan Maxamed Cali iyo Maxamed Cali oo Horay Bosaaso iyo Muqdisho Dad ugu laayay oo Saakay la Toogtay

0

Fagaaraha Iskool Buluusiya ee kuyaalla magaalada Muqdisho ayaa saakay xukun dil ah lagula fuliyay labo nin oo horey maxkamadda ciidamada xukun dil ah ugu riday, kuwaa oo lagu helay in dilal kala duwan horey u geesteen.

Ragan saakay maxkamadda ciidamada xukunka dilka ah ku fulisay oo lagu kala magacaabo Aadan Maxamed Cali Maxamuud iyo Maxamed Cali Maxamed Faarax , ayaa horey u qirtay in ay katirsanaayeen kooxda Daacish .

Maxkamadda ciidamada ayaana ku heshay labadan nin in dilal kala duwan dad shacab ah iyo shaqaale dowladeed ugu geesteen magaalooyinka Muqdisho iyo Boosaaso oo ay ka howlgali jireen.

Xukunada dilka ah ay fulineyso maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maalmahan sii kordhaya, waxaana maxkamadda isbuucan kaliya fulisay xukunkii saddexaad oo dil ah oo lagu fuliyya rag horey xukuno dil ah loogu riday xilligii dowladii Farmaajo.

Ad
Previous articleJoe Biden oo qaatay Talaal kale oo ku Cusub Dunida
Next articleDhallinyaro Falal amniga lidi ah ka waday Muqdisho oo lasoo Bandhigay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here