Home Wararka Somaliya Puntland Gaas oo Digniin kasoo Saaray Xaalada ay lu Sugantahay Puntland

Gaas oo Digniin kasoo Saaray Xaalada ay lu Sugantahay Puntland

0

Madaxweynihii hore ee maamul goboleedka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo bixiyey wareysi cusub ayaa ka hadlay xaaladda murugsan ee Puntland, gaar ahaan muranka ka taagan doorashada maamulkaasi.

Gaas ayaa ka digay in Puntland lamid noqoto Somaliland, isaga oo tusaale usoo qaatay xaaladda ka jirta maamulkaas ee ka dhalata muddo kororsiga madaxweyne Biixi.

Ninkan oo sidoo kale horay ra’iisul wasaare uga soo noqday Soomaaliya ayaa ka digay in dib loo dhigo doorashadaPuntland, isaga oo sheegay inay tahay arrin laga haboon yahay.

“Hadii ay dhaafto waxa ay noqoneysaa sunno xun oo la jideeyo oo hadhow Saciid Cabdullaahi Deni kan kasii dambeeya ay isticmaalayaan, sida hadda Somaliland ka taagan oo ah in qof uu iska fadhiyo inta waqti ku darsado” ayuu yiri Cabdiweli Maxamed Gaas.

Cabdiweli Gaas ayaa sidoo kale farriin u diray madaxweyne Saciid Deni, wuxuuna ugu baaqay in doorashada dhexda soo dhigo, kadibna uu ku qabto xilligeeda.

“Aniga taladeyda waxaa weeye in doorashadaasi la qabto oo waqtigeedii lagu qabto oo ah sideeda January” ayuu mar kale ku yiri wareysiga laga qaaday.

Waxaa kale uu shaaciyay xalka, isaga oo sheegay inuu jiro in doorashada loo wajaho hannaankii hore, isla-markaana ay beelaha soo xulaan xildhibaanada cusub ee Puntland.

“Sida kaliya ee ay ila tahay oo ay ku suurtageli kartaana waxaa weeye sidii weligeed soo caana maalay oo ah in lasoo xulo xildhibaanadii 66-da ahaa, beeluhuna ay soo xushaan, dabadeedna dowladda imaaneysaahi ay dimuquraadiyadda dhaqan geliyaan” ayuu raaciyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo Garoowe uu ka taagan yahay is mari waa u dhexeeyo xukuumadda Deni iyo mucaaradka Puntland oo dhaq-dhaqaaq ka wada Garoowe.

Ad
Previous articleQoor Qoor oo Mid kamid ah Golihiisa Wasiirada Xilka ka Qaaday
Next articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Booqday Ciidamadii Xalay laga Soo Celiyay Dalka Eriteeriya Balanqaadna Usameeyey(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here