Home Wararka Maanta Askari dil u geestay Haweeney oo lagu qabtay magaalada Muqdisho (Sawirro)

Askari dil u geestay Haweeney oo lagu qabtay magaalada Muqdisho (Sawirro)

0

Askari katirsan ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa shalay hooyo Soomaaliyeed ku dilay gudaha degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, waxaana askarigan dilka geestay durba gacanta ku dhigay ciidamada booliiska.

War kasoo baxay taliska booliiska qeybta gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in askariga dilka geestay ay xabbada uga fakatay haweeneyda uu dilay, waxa ayna sheegeen booliiska in ay socdaan baaritaano.

Haweeneyda la dilay oo magaceeda lagu sheegay Farxiyo Nuur Maate ayaa kamid aheyd dadka deegaanka, waxaana meydkeeda lagu wadaa hooyadan in maanta lagu aaso qabuuro kuyaalla degmada Dayniile.

Ciidamada booliiska qeybta goboilka Banaadira ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku guuleestay in ay gacanta ku dhigaan askar iyo dad kale oo dil iyo dhaawacyo u geestay dad shacab ah, kuwaa oo hadda ku xiran xabsiyo kuyaalla Muqdisho.

Ad
Previous articleNinkii Qur’aanka gubey oo ay lasoo deristey xaalad ciriiri nololeed ah (Maxaa ku dhacay?)
Next article10 nin oo Gaarcis ku Dilay nin Muslim ah oo Xukun layaab leh lagu Riday(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here