Home Wararka Maanta Maamulka Gobalka Banaadir oo Amaro adag Soo Rogay Kadib Weerarkii Xeebta Liido

Maamulka Gobalka Banaadir oo Amaro adag Soo Rogay Kadib Weerarkii Xeebta Liido

0

Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta amar cusub kusoo rogtay gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee ka shaqeeya gudaha magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Go’aankan cusub ee ka soo baxay maamulka gobolka ayaa waxa lagu faray dhammaan gaadiid in aysan qaadi larin skar hubeysan nuuc kasta uu yahay iyo hay’ad kasta oo uu ka tirsan yahay.

Gaadiidka uu sida tooska ugu socdo amarkaan kasoo baxay maamulka gobolka ayaa waxaa kamid; Mooto Bajaajta, gawaarida iyo Mootooyinka laba lugaaleyda ah ee bulshada caasimadda ay adeegsato.

Maamulka gobolka ayaa waxa uu sheegay in ciddii ka dhego adeegta amarkaas lala tiigsan doono sharciga, si looga qaado tallaabo adag oo sharci ah.

Sidoo kale waxa uu maamulka gobolka markale ku wargaliyay gaadiidka ay wataan masuuliyiinta in ay u hoggaansamaan awaamirta lagu sugayo ammaanka, islamarkaana ay ogolaadaan in baraha ciidamadu joogaan lagu hubiyo si ammaanka loo xaqiijiyo.

Dowladda ayaa hore usoo rogtay in hubka culus lagu dhex wadan karan magaalada Muqdisho, ayada oo hore u sheegtay in masuulkii diida gaarigiisa la baaro uu yahay Shabaab kalkaal.

Ciidamada kala duwan ee magaalada caasimadda ee Muqdisho ku dhex wata hubka ayaa sidoo kale la faray inay uga soo tagaan xeryahooda.

Si kasta, ammaanka magaalada Muqdisho ayaa sidii hore kasoo hagaagaya, kadib markii inta badan amniga caasimadda lagu wareejiyay ciidamo Boolis Milataaro ah oo lagu soo tababaray dalka Uganda, kuwaas oo howl-gallo ka wada degmooyinka gobolka Banaadir.

Ad
Previous articleXukuumada Dan Qaran oo Baarlamaanka Ku Wareejisay Heshiisyadii Mudo Kordhinta Ee Golaha Wadatashi Qaran Dhawaan Gaareen
Next articleXassan C/llaahi Cabdi oo Hoyadiis Dil argagax leh ugu Gaystay Magaalada Kismaayo iyo Booliska Oo Gacanta Kusoo Dhigay Arxanlawahaas(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here