Home Wararka Maanta Dhaqtar Gabar Foolanaysa Qalaayay oo live soo Galay Xabsiga Muqdisho loo Taxaabay

Dhaqtar Gabar Foolanaysa Qalaayay oo live soo Galay Xabsiga Muqdisho loo Taxaabay

0

Waxaa xabsiga loo taxaabay dhaqtarkii live ka kasoo galay barta tiktok asagoo qaliin ku samaynaya Gabar foolanaysa kadib markii ay dacwo ka gudbiyeen qoyskii gabdha dhalay iyo ninkeeda.

Qoyska gabadha dhalay waxay ku eedeeyeen in Dr-ku sameeyay fal qayru-masuulnimo ah oo ay gabdhoodu halis ku gali kartay, maadaama uu u muuqday markii uu live-ka ku jiray mid aanan dareen badan siinayn Hooyada dhalaysa iyo cunuga caloosheeda ku jira taas badalkeedana uu aqrinayay Faalooyinka loo soo qoraayay sidoo kale uu la sheekeysanayay dadka u saarnaa daaqada live ka .

Sidoo kale waxay ku eedeeyeen dhaqtarka inuu ninkeeda iyo familkeeda u diiday inay gudaha u galaan Saalada, taas badalkeedana uu live Tiktok oo ay daawanayaan kumanaan qof uu gabadha dhalaysa dhax geeyo inkastoo aan gabadha wajigeeda la arkayn.

Ad
Previous articleWar Deg Deg ah: Qarax ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Mandheera
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Xukunka Taakeeye iyo Kooxdiisa oo Goordhow lagu Dhawaaqay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here