Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Howlgal Cusub oo loogu Magac Daray Xiddida Siibka Alshabaab oo looga Dhawaaqay….

Howlgal Cusub oo loogu Magac Daray Xiddida Siibka Alshabaab oo looga Dhawaaqay….

0

maanta gobolka Hiiraan looga dhawaaqay howlgal nooc cusub ah oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka, kaas oo loogu magac daray xidido siibka kooxda Al-Shabaab, si looga saaro meelaha ay ka joogaan gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in howlgalgan uu yahay mid si aad ah loogu diyaar garoobay, isla-markaana lagu doonayo in Al-Shabaab looga sifeeyo deegaanka jinka waniga ee gobolkaas.

Sidoo kale waxaa abaabulka howlgalkan qayb ka ah xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo uu kamid yahay Xildhibaan Maxamed Cabdulqaadir Maxamed oo muddo dheer ku sugan jiida hore ee dagaalka, gaar ahaan aagga gobolka Hiiraan ee HirShabelle.

Xildhibaanka oo la hadlayay ciidanka loo diyaariyay howlgalka cusub ee xidido siibka Al-Shabaab ayaa sheegay in ciidanka laga rabo inay ka dhabeeyaan go’aankooda, si looga hortago weerarada iyo qaraxyada ay Al-Shabaab ka fuliso degmooyinka gobolka Hiiraan.

“Dagaalka aan ugu magac darnay Xidido siibka Al-Shabaab waa mid laga siibayo deegaanada Jiinka Webiga dhaca oo aanay awood ku joojin balse dhuumaaleysi ku yimaadaa, inta ay qayb kamid ah Hiiraan joogaan hubka waan wadan doonaa sababtoo ah magaca gobolkaan inta aan sheeganeyno dagaalka waan wadi doonaa” ayuu yiri Maxamed.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in muddo laba bilood ah ay kusoo afjari doonaan Al-Shabaabka ku sugan guud ahaan gobolka Hiiraan, sida uu hadalka u dhigay.

“Laba bilood ayaan Khawaariijta uga saareynaa Jiinka Webiga” ayuu mar kale hadalkiisa sii raaciyay  Xildhibaan Maxamed Cabdulqaadir.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay garab istaagaan ciidamada isbaheysanaya ee la dagaalamaya Al-Shabaab, si looga adkaado kooxda.

Hiiraan ayaa xudun u ah kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socda dalka, waxaana mar kale gobolkan laga abaabulayaa guluf ka dhan ah kooxda.
Ad
Previous articleXagee Ku Xiran yahay Taakeeye iyo Sida Cajiibka ah ee loosoo Qabtay
Next articleSafaaradda Itoobiya oo weerar culus lagu ekeeyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here