Home Wararka Maanta Xasan shiikh oo Faahfahiyay Shirkii Shalay Muqdisho lagu soo Gabagabeeyey iyo Talaabada...

Xasan shiikh oo Faahfahiyay Shirkii Shalay Muqdisho lagu soo Gabagabeeyey iyo Talaabada Xigta ee la Qaadi doono

0

Madaxweynaha Soomaaliya oo khudbadii Jimcaha maanta qeybteeda dambe kusoo qaatay Shirkii shalay soo dhamaaday, ayaa sheegay in ay soo dhaweeyeen isku imaatinka 2-da maalin ahaa oo ay dhageysteen talooyinkii ay soo jeediyeen Madaxdii kale duwanaa ee shirka kasoo baxay, ayna qeyb kayihiin Latashiga madaxda hore, kulamo kale oo uu layeelan doono qeybaha bulshada Soomaaliyeed.

Masaxweyne Xassan ayaa sheegay in ay latixgalin doonan talooyinkii lasoo jeediyey, isagoo sheegay in marka talooyinka dhan la dhameeyo, loo gudbinayo guddiga dibu eegista Dastuurka, wuxuu sheegay in aysan gorgortan kagali doonin in dadka Soomaaliyeed codkooda dhiibtaan oo ay tahay xaq ay leeyihiin.

Qodobka la xariira mudo xileedyada oo uu shalay sheegay in uu cadeyn doono, xiliga ay ka bilaabanayso masoo qaadin Madaxweynuhu maanta, taas oo muujinaysa in aan dhinacyadu qodobka kaliya ee isla qaaten uusan sheegin Madaxweynuhu maanta.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan shiikh oo La Kulmay Xildhibaanada Federalka Ee laga Soo Doorto koonfur Galbeed kalana Hadlay…..
Next articleCiidanka Danab oo Weerar Culus ku Qaaday Deegaan ka Tirsan Galmudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here