Home Wararka Maanta Ciidamadii ugu Badnaa oo Halmar Duulaan Qaada oo saakay Galmudug Ka Dhaqaaqay...

Ciidamadii ugu Badnaa oo Halmar Duulaan Qaada oo saakay Galmudug Ka Dhaqaaqay mudo 46 sano kadib

0

Wararka Saakay Laga helaayo Degaanada Galmudug Ayaa sheegaaya inay Saaakay Ruqaansadeen Ciidamadii ugu Badnaa oo Halmar duulaan Gala oo soomaali ah Mudo  sanadobadan kadib ah Ciidamadaan oo weerer ku ah Alshabaab ka Kusugan Degmooyinka ceelbuur Galhareeri iyo Deegaanada kale ee Galmudug.

Ciidamadaan oo saakay ka dhaqaaqay Sadex jiho oo kala Duwan, Ciidamadii ugu badnaa ayaa saakay Kabaxay Degmada Maxaas kuwaas oo weerar ku ah Wabxo oo Hoostagta Degmada Ceelbuur wabxo waxaa haatan ku sugan Alshabaab oo Dhawaan Dib u qabsaday.

Ciidamadaan Ku wajahan Wabxo waxaa hogaaminaaya Taliye ismaaciil cabdimaalig oo Wata Guutada Khaalid Bin waliid oo dhawaan loo magacaabay.

Ciidamo kale oo ayaa ka baxay Dhanka Guriceel ciidamadaan ayaana ka dhaqaaqay Warxoolo oo maalmihii lasoo dhaafay Lagu diyaarinaayay Halkaas oo ay Ka gali doonaan Degmada Ceelbuur.

dhanka kale Ciidmadii kale oo badan ayaa ka dhaqaqay Caasimada Galmudug ee dhuusamareeb kuwaas oo ayaguna Gaari doona Degmada Ceelbuur Ceelgaras iyo Galhareeri inka badan 10 kun oo askari ayay Dowladu udiyaarisay Qabsashada Degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri Waana Markii ugu Horaysay oo dowlada Soomaaliya ciidan intaan La eg Halmar Howlgaliso Tan iyo 1977 Dagaalkii Soomaaliya Lagashay Itoobiya.

sidoo kale waxaa jira Diyaarado Ka qayb qaadanaaya Dagaalkaan kuwaas oo kaabaaya Ciidamada Dowlada ee Duulaankaan Qaaday, Shalay Dowlada Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in saacado guduhood la qaadi doono Howlgal cir iyo dhul dowlada soomaaliya ayaana Digniin Udirtay Shacabka ku dhaqan Degaanada Galmudug ee Alshabaab Maamulaan islamarkaana ugu baaqday inay ka fogaadaan Goobaha ay Alshabaab ku suganyihiin.

Galmudug ayaana lafiliyaa inay noqoto maamulkii ugu Horeeyey oo Alshabaab laga Saaro Madaxweyne Xasan Shiikh ayaana mudo kabadan Laba Todobaad kusugan dhuusamareeb asagoo Geed Fadhi u ah Dagaalkaan Alshabaab looga Ciribtiraayo Maamulka Galmudug.

Alshabaab ayaana walwal culus haatan wajahaaaya ayagoo Dadka Deegnaaka ka codsaday inay Garab siiyaan lama oga in alshabaab u babac Dhigi doonaan iyo inay isdhiibi doonaan madaama Xataa laga Xiray Wadooyinkii ay ku baxsan lahaayeen.

Ad
Previous articleRag ka tirsan Alshabaab oo Baxsad ahaa oo lagu Qabtay Degaanada Galmudug
Next articleDowladda Soomaaliya oo dalka Hungary ka soo celisay gabar ay qaraabo yihiin Nasro Abuukar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here